Fawzia Yusuf Hajji Adam oo Maanta Shiinaha u duushay iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkeeda

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda China , kadib martiqaad rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda China.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahdi Maxamuud Cali
,Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska,gaadiidka badda
,dekadaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale,
ayaa waxaa u qorsheysan inay la kulanto Mas’uuliyiin kala duwan oo ka
tirsan dowladda China oo ay kala hadli doonto qaabkii loo xoojin lahaa
iskaashiga iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya .

Dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa xiriirkooda bilowday muddo hadda
laga joogo 500 sano , waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo
xoogan , iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay la macaamilaan ganacsatada
wadankaasi .

Waxaa xusid mudan in dowladda China ay Soomaaliya ka fulisay qaran
burburkii kahor mashaariic lagu dhisay wadooyin, garoomaha cayaaraha
iyo isbitaalo .

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay horumarineysaa, ayna
xoojineysaa xiriirka ganacsi iyo midka iskaashi ee kala dhaxeeya
dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xi Jinping (Shii Jiin Biing) iyo
Xukuumadiisa , si loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta iyo
maalgeshiga , lana suura-geliyo in shirkadaha China ay maalgeshi toos
ah ay ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s