Dilka Hilibleyda oo Muqdisho ka bilaabatay iyo kawaanleyda oo aad walaac uga muujiyay weerarka ka dhanka ah.

Salaadii Subax ee Isniinta ayaa waxaa lagu toogtay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi nin kamid ahaa ragga ku xamaasha kareetada ama gaari Dameerka kaa oo xilligii la khaarijiniyay hilib u waday mid kamid ah Suuqyada magaalada.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in dilka Hiliblahaan ay ka danbeeyeen kooxa hubeysan oo aan la garan danta ay ka lahaayeen dilkiisa, aysanna jirin wax baarasha ah oo ay ku sameeyeen halkaas oo laga dheehan karo in burcadnimo aan loo khaarijin.

Qaar kamid ah kawaanleyda Muqdisho ayaa waxa ay walaac kamuujiyeed weerarka lagu khaariyay ninkaas kamid ahaa ragga ka shaqeesta hilibka, iyaga oo sheegay in xilliyada habeenkii ay shaqeestaan si ay bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Hilib Fresh ah xill hore.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca falal dil ah oo siyaaba kala duwan iyada oo la’aaminsanyahay in dilalkaasi ay kala fuliyaan dhinacya kala duwan oo mid waliba dan gaar ah uu leeyahay.

Si kastaba, dilka Hiliblahaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan uu fashil ku dhamaaday amar maamulka gobalka Banaadir uu kusoo rogay oo ahaa in ay xoolaha ku qalaan kawaan Bari hasa yeeshee lama oga xariirka ay leeyihiin dilkaani iyo amrkaasi fashilmay.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s