Arin layaab badan: Gudoomiye Taszan oo fara gashaday astaanta qaranka dalbadayna in la bedelo

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in astaanta qaranka Soomaaliyeed oo ah mid tilmaam u ah jiritaanka umada Soomaaliyeed in aysan aheyn mid xilligaan la jaanqaadi karta ayna muhiim tahay in la bedelo.

Astaanta qaranka oo ah mid Soomaalidu u istaagto marka ay maqlaan ayna kamidyihiin erayadeeda, “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsadayeey hadba kiinna taag daraney taageera waligiinee. Calanyahow timaan wacanbaa medebkaaga taam ku yahoo xidigtii nakulmineysaa dhexda kaaga sii taallee”, ayaa Tarzan waxa uu ka codsaday madaxda dowlada in laga tanaasulo lana sameeyo mid ka duwan oo ku haboon xilligaan

Erayadaasi aadka u quruxda badan ayaa gudoomiye Tarzan waxa uu dalbaday in bedel lagu sameeyo isaga oo aan soo bandhigin astaan ka wanaagsan oo lagu bedeli karo inkata oo hoorta ka xaeriiqay in astaantaani markii la sameynyaya ay ku habooneed maantasa loo baahanyahay astaan taa ka duwan.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu hormuud u noqon karo mucaaradid aad u weyn oo ka dhan ah gudoomiye Tarzan.

Si kastaba lama oga sida ay madaxda qaranka Soomaaliyeed ay uga jawaab celi doonaan codsiga uga yimid Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee ah in astaanta qaranimo la bedelo.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s