Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aqbalay in uu Saxiixo Sadax Qodob oo lasoo hordhigay balse codsi jeediyay(Warbixin Xasaasi ah)

Warar Hoose ay heshay Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu aqbalay warqad ay ku qoran tahay ilaa Sadax qodob in uu saxiixo balse codsaday in lasiiyo fursad uu kula tashto Culumo aqoon badan u leh sharciga diinta Islaamka .

Waxaa shalay iyo xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Odayaal matalayay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax sare oo katirsan Dowlada uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida aan xogta ku helnay kuwaa oo isla gartay ilaa Sadax qodob oo la hordhigay Sheekh Xasan Daahir lagana sugayo in uu saxiixo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar Gidir ayaa isla gartay in Sheekh Xasan Daahir Aweys lasii deyn doono balse looga fadhiyo in uu saxiixo Warqad au ku qoran tahay ilaa Sadax qodob oo Muhiim ah.

Qodobada Warqada ku qoran ee Sheekh Xasan Daahir la hor dhigay waxaa kamid ah.

1-in uu saxiixo Sheekh Xasan Daahir in Midnimada Umada Soomaaliyeed in ay tahay mid muqadas ah oon wax gor gortan laga galeyn.

2- In Dagaalkii uu Shekh Xasan Daahir kusoo jiray in mudo ah uu ku badasho Nabad uuna iskaga haro Dagaal iyo Siyaasad intaba.

3-in uu ka tanaasulo Kooxda Al-Shabaab uu kamid ah uuna cadeeyo aragtidiisa ku aadan Kooxdaasi iyo dagaaladii uu Jihaadka ugu magac daray uu kusoo jiray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kulanka joogay uu ka codsaday Odayaasha Beeshiisa iyo Madaxda Dowlada in qodobadan uu saxiixayo balse la siiyo Waqti dheeraad ah uu uga fakiro sidoo kale uu ugala tashto Culumo uu sheegay in ay diinta iyo sharciga aqoon badan u leeyihiin iyo looyaro iyana dhanka sharciga ku wanaagsan.

Lama oga xiliga ay Sheekh Xasan Daahir Aweys ku aqaadan doonto in uu saxiixo Warqada hortaala ee ku xiran Mustaqblakiisa iyo in uu ka baxo Xabsiga Dowlada uu iminka ku jiro kadib markii uu Al-Shabaab uu nafsadiisa kala soo baxsaday.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s