Mid kamid ah wariyaashii qarashka tirada badan ku cunay magaca saxaafada Soomaaliya oo maanta xabsi loo dhigay dacwad ay ka gudbisay saxaafadu.

Cumar Faaruuq Cusmaan oo in badan dhibaata ku hayay wariyaasha Soomaaliyeed tacadiya badan u geestay kuna qaraabanaayay magaca ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed si sharci darro ah ayaa maanta waxaa isaga oo ku dhuumaaleysanaya mid kamid ah hoteelada Muqdisho waxaa xabsiga u taxaabay ciidamada amaanka dalka oo in badan baadi goobayay kadib markii maxkamadi soo xukuntay qabashadiisa.

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa waxa uu xaqiijiyay in uu xiranyahay Cumar Faaruuq Cusmaan oo uu kujiro xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxa uuna aad u soo dhaweeyay xariga isaga oo dalbaday in cadaalada la hor keeno si dhaqsa ah maamaada uu yahay nin kumanaan saxafiyiin Soomaaliyeed ah ku takri falay.

Cumar Faaruuq Cusmaan oo waayihii danbe ka dhuumaaleysanayay ciidamada amaanka ayaa dhowr jeer oo hore maxkamadu u yeertay isaga oo mar waliba dalka si dhuumasha ah uga baxayay marka uu ogaado in labaadi goobayo.

Waxaa xilkii uu ka hayay Cumar Faaruuq Cusmaan ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed laga qaaday kadib markii uu lunsaday malaayiin doolar oo ladoonayay in wax badan loogu qabto saxaafada Soomaaliyeed isaga oo wixii xilligaa ka danbeeyay bilaabay in uu sii sheegto in uu yahay masuul xil haya iyada oo dacwadaha loo heesto ay kamid tahay sheegashada sharci darada ah.

Si kastaba, tilaabada lagu soo xiray Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah mid ay aad u soo dhaweynayaan bahda saxaafada Soomaaliyeed ayaa waxa ay tahay talaabadii labaad ee laba maalin gudahood ay dowlada Soomaaliya u qaado dhanka difaaca saxaafada iyo saxafiyiinta iyada oo maalintii shalay aheyd xukun dil ah lagu fuliyay gacan ku dhiigle dilay wariye Soomaliyeed.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s