Haween Soomaaliyeed oo tahriibayaal ah oo si qasab iyo xoog loogu heysto saxaaraha Liibiya laguna jirdilo!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Haween Soomaaliyeed oo qaxooti tahriibayaal ah ayaa waxaa la sheegay in si qasab iyo xoog ah loogu heysto saxaaraha dalka Liibiya laguna jirdilo halkaas iyadoona sii deynta haweenkaas Soomaaliyeed lagu xirey lacag madax furasho kumanaan doolar ah.

Daawo Muuqaal ahaan Dhibanayaasha Dumarka Ah ee Xooga Lagu heysto

Haweenkaan Soomaaliyeed oo ahaa tahriibayaal ayaa waxaa gacanta ku dhigay rag burcad ah iyadoona haweenkaas loo geysto jirdil iyo garaacid joogto ah islamarkaana aan la siin wax raashin ah laguna xiray sii deyntooda lacag madax furasho ah oo gaareyso in ka badan ilaa iyo 3000 oo doolar, Deeqo Maxamed oo ka mid ah haweenkaas lagu heysto dalkaas Liibiya ayaa waxay sheegtay in mudo laba bilood ahba ay ragaas xoog ku heysteen islamarkaana ay ku xireen sii deynteeda lacag madax furasho ah oo dhowr kun oo doolar ah, Deeqo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in jirdil loogeysto gaajana ay ku dileen ragaas iyagoona ugu hanjabay hadii aysan bixin lacagtaas madax furashada inay xaalada sidaas ka sii xumaan doonto oo ay waxyaabo kale u geysan doonaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo haweenkaas Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah loogu heysta dalkaas Liibiya aysan jirin dowlada ma cid kale oo arintooda u taagan inay wax ka qabtaan, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badanaayo burcadaas wax ka raadiya qaxootigaas Soomaaliyeed ee aan waxba heysan ee iyagaba ku jira tahriibka si ay nolol wanaagsan u helaan. Arintaan oo kale ayaa waxaa ay sidoo kale ku soo badatay qaxootiga Soomaaliyeed ee ka tahariibaya dalka Yeman iyagoo ku sii jeedo dalka Sacuudiga kuwaas oo ayagana lagu qafaasho wadooyinka laguna sii daayo madax furasho.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s