Daawo muuqal Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in Shabaab iyo Madaxweyne Xassan Sheekh uu dhax maray xariir dhanka taleefoonka ah

R.wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hada kamid ah kooxaha loogu yeero qas-wadayaasha dalka Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu ka dhawaajiyay arin u muuqata mid dana siyaasadeed laga leeyay oo ah in la helay xariir dhanka teleefoonka ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakiil Shabaab ah ay yeesheen iyaga oo isku hadaf ka ah arinta Jubaland.

“Waxaa la helay xariir dhanka taleefoonka ah oo Xassan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay saraakiil Shabaab ah oo ay kawada hadleen arinta Jubaland. Waa wax iska cad been abuur maaha”, Cali Khaliif Galeyr ayaa ku waramay.

Dowlada Soomaaliya wali kama jawaabin hadalka kasoo yeeray R.wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ee ku aadan in dowlada Soomaaliya ay xariir la leedahay Shabaab arintaas oo ah fikir aan ku habooneyn siyaasi Soomaaliyeed in uu lasoo shir tago.

Si kastaba, waxaa laga war-sugayaa sida dowlada Soomaaliya ay uga jawaabto hadalka kasoo yeeray Cali Khaliif Galeyr ee ah in kooxda Shabaab oo argagaxiso loo aqoonsayahay ay xariir dhaw la leedahay madaxweynaha dalka.

Daawo waraysigii uu cali xaraare la yeeshay cali khaliig galayr

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s