Silica iyo Saxariirta ka taagan dalka Masar & Rasaasta oo si toos ah la iskula dhacayo (Bal Daawo Yaabkaan+Warbixin) !!

Ciidamada Booliiska dalka Masar oo si weeyn u hubeeysan ayaa waxa ay la wareegeen una galeen gudaha Masaajidka caanka ah ee Al Fatah oo ku yaala Zentaraalka magaalada Qaahira. Boqolaal ka tirsan Taageerayaasha Madaxweeynihii la riday ee Mohammed Mursi ayaa difaac ka dhigtay gudaha Masjidkaan iyo dabaqyada sare waxaana xiligii ay ciidamada booliiska gudaha u galayeen Masjidkaan meel kasta laga maqlayay Rasaas ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Halkaan ka Daawo Rasaasta oo hoos la iskugu dhigay & Silica ka tagaan dalka Masar

Maalmo ka hor markii uu curtay is mari waaga ciidamada Amniga dalka Masar iyo ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo aad u taageersan Maxamed Mursi ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dhimashada gaartay ilaa hada in ka badan 800 oo Qof.

Saan saanta colaadeed ee ka taagan gudaha Dalka Masar ayaa waxeey qarka u saaran tahay inay isku badasho mid dagaal Sokeeye ah . Shacabka dalka Masar ayaa isku dilaya si aanan horay loo arag waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa dad ka daran ciidamada Aminiga oo ugaarsanaya ururka Ikhwaanul Muslimiinka waxeeyna Shacabkaan qaarkiis wataan Baangado ay la dhacayaan Taageerayaasha Madaxweeynihii la riday Mr.Maxamed Mursi .

Xaafadaha Qaahira ee caasimada dalka Masar marka aad dhex mareeso waxaa mararka qaar maqleeysaa Rasaas yool iyo wiifto ah oo korkaaga mareysa waxaana durbadiiba kuu sawirmaya in dalkaan uu lugaha la galay dagaal sokeeye iyo naceeyb cusub.

Q.W.sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s