War Deg Deg ah:Farsamo-yaqaankii guud ee SNTV iyo Raadiyo MuqdishO oo la dilay daqiiqada uun kadib markii la toogtay gacan ku dhiigle wariye horay u khaarijiyay.

Kooxo ku hubeeysan bistoolado ayaa degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan qeyba war-baahinta isaga oo ahaa Eng-ka guud ee farsamada idaacada Radio Muqdisho iyo SNTV.

Dilka ayaa loo geestay Axmed Shariif Xuseen xili uu ka soo baxayay gurigiisa kuna soo jeeday xarunta shaqada, iyada oo dhaawac ahaan lagu geeyay isbitaalka halkaasi oo uu ku geeriyooday

Weerarka lagu khaarijiyay Axmed Shariif Xuseen ayaa waxa uu dhacay daqiiqado uun kadib markii la toogtay Aadan Cabdi Xuseen oo dilay sida daliila lagu helay weriye lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Absuge oo xilligaa kahowl gelayay idaacada Maanta ee magaalada Muqdisho.

Dilka lagula kacay Axmed Shariif Xuseen ayaa waxa uu mugdi gelinayaa farxad ay isu diyaarineysay saxaafada Soomaaliyeed maadaama markii ugu horeysay maanta cadaalada lagu fuliyay ruux horay u dilay wariye.

Q.w.Sugulle mohamoud
Bodø.Norland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s