Qarax ay ku dhaawacmeen dad badan oo uu kamid yahay ganacsade caan ah oo ka dhacay Muqdisho.

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya gaar ahan Suuqa Bakaaraha ee degmada Holw-daag ayaa waxa ay sheegayaan in shan ruux oo dhamaan shacab ah ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay gaari uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah.

Qaraha oo haleelayay gaariga xilli uu taagnaa xarunta xawaalada Dahabshiil Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan goob joogayaashu in uu ku dhaawacmay Xuseen Goleey oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo afar ruux oo kale inkasta oo aan wali lasoo tebin wax dhimasha ah.

Lama oga in qaraxu uu ahaa mid gaariga horay logu rakibay, iyo in halkaasi lagu soo diyaariyay, waxaana qaraxa kadib la sheegay in ay goobta gaareen ciidamo dowlada Soomaaliyeed ay leedahay kuwaas oo baaritaan sameeyay inkasta oo cid loosoo qabtay weerarkaasi aysan jirin.

Wali cid sheegatay masuuliyida weerarkaasi majirto, waxaana uu noqonayaa weerarka lala eegtay Xuseen Goleey uu noqonayaa mid khal khal geliya ganacsatada dalka iyada oo horay Bakaaraha loogu dilay gudoomiyihii ganacsatada suuqaasi xilli uu ku sugnaa xafiis uu kulahaa bartamaha suuqa.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s