Maamulka Gobalka Banaadir oo bilaabay in uu wadooyinka Muqdisho ka aruuriyo xoola dadkii lahaa aysan ka war qabin (Arin qosol badan).

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanaanda Muqdisho qaarkood, maamulka gobalka Banaadir ayaa waxa ay bilaabeen in ay aruuriyaan xoola wadooyinka Muqdisho heehaabaya ee looda u badan kuwaas oo ay u cuskadeen qodoba muhiim ah hasa yeeshee dadku aysan jecleysan.

Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay u aruuraayaan ay tahay qeyb kamid ah hagaajinta nadaafada magaalada oo waaayihii danbe si aad ah loogu howlanaa.

“Xooluhu waxa ay ku saxaroodaan bartamaha magaalada. Nadaafada ayeeyna wax u dhimayaan. Caafimaadka uma roona sidaa darteen go’aan ayaan ku qaadannay in aan aruurino si magaalada ay uga ceshadaan dadkii lahaa oo ay uga cabsadaan in laga wato. Hadii dadka xoolahaas leh ay ceshan waayaan gobalka ayaa la wareegaya”, sarkaal u hadlay maamulka shaqada kasii tegaaya ayaa sidaa ku waramay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nool reero xoola u badan lo’ iyo ari carbeed dhaqda kuwaas oo aan ilaashan xoolahooda kuna sii daaya magaalada arintaas oo keenta in xooluhu ay suuqyada ku faafaan kana cunaan qashan iyo hanti dad kale ay leeyihiin.

Si kastaba lama oga sida ay u hir geli karaan amarada maamulka gobalku ay dul dhigeen dadka xoolaha dhaqda ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen in xoolaha kala wareegayaan hadii aysan magaalada ka ceshan.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s