Daawo sawirada Taliska AMISOM oo sheegay inuu baarayo kufsi lagu eedeynayo qaar ka mid ah askartooda.

image

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay iney baarayaan falal kufsi ah oo mudooyinkii ugu dambeeyey lagu eedeeynayey iney ku kaceen qaar ka mid ah ciidamadooda ka howlgala Somalia.

Maalmo ka hor ayaa haweeney Soomaali ah waxay sheegtay in ciidamo Soomaali ah ay xoog ku kaxeeyeen, ka dibna u geeyeen ciidamada AMISOM ee degan xerada Maslax halkaasoo ay sheegtay in lagu kufsaday si naxariis daro ah.

“Si looga sal gaaro xaqiiqada waxaanu u saarnay iney eedeymahan baaritaan ku sameeyaan guddi isugu jira saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwo Soomaali ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AMISOM

Taliska AMISOM ayaa sheegay iney cambaareynayaan kufsiga iyo xad gudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyed, iyagoo xusay iney ciqaab adag marin doonaan haddii qaar ka mid ah askartooda lagu helo falalka noocaas ah.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore loogu eedeeyey iney geysteen falal kufsi ah oo ay kula kaceen haween Soomaaliyed hase ahaatee ma jirin cid wax iska weydiisay.

Heyadaha xuquuqda aadanaha caalamka qaarkood ayaa horey ugu eedeeyey ciidamada dowlada qaarkood iney falal kufsi ah u geystaan haweenka Soomaalida ee ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

image

image

image

image

Q..w.sugulle mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s