Wararkii ugu danbeeyay ee dibadbixii rabshada watay iyo ciidamada dowlada banaan baxayaal laayay si ula kac ah.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo degmada Hodon ayaa waxa ay sheegayaan in dibad baxayaal ka careesnaa amar lagu doonayay in ay uga guuraan xaafada ay ku noolaayeen in muda ah oo ay kamid yihiin xerya dowlo ay soo fara geliyeen ciidama dowlada Soomaaliya ay leedahay kuwaas oo rasaan noonool iyo banba gacmeeydo u adeegsaday kala eryida mudaaharaadayaasha sababna u noqday in ay dhintaan sedax ruux oo banaan baxayaasha ka tirsanaa iyo in ay dhaawacmaan toban kale.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladu ay markii hore amar ku bixiyeen in la joojiyo dibad baxa hasa yeeshee markii laga dhega adeygay amarkooda ay adeegsadeen awood si ay u hakiyaan dibad baxa oo u muuqday mid dowlada looga codsanaayay in ay dejiso gooba kale shacabka ay ka bixineyso xeryaha dowlada ee ay degeen xilligii fowdada.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka aya waxa uu sheegay in la doonayo in si khasab ah looga kiciyo deegaanka oo la dejiyo dad kale iyada oo la adeegsanaayo magaca dowlada xilli uusan jirin amar kasoo baxay wasaaradaha ku shaqada leh arintasi.
Waxa uu intaa sii raaciyay in uu garanayo ragii xabadaha maanta ku furay iyo saraaakiishii bixisay amarka lagu laayay intaba kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin ragii markii horaba ku amray in ay si dhaqsa ah deegaanka uga guuraan.

Si kastaba, waayihii danbe ayaa waxaa isi soo taraayay cabashada laga muujinaayo ciidamada dowlada Soomaaliya oo la aaminsanyahay in ay shacabka ku qasbaan in ay ka guuraan deegaanno ay ku noolaayeen waqti dheer oo waliba qaarkood ay sharci yihiin iyada oo loogu gabanaayo amarro dowlada horay uga soo baxay oo ahaa in la baneyn doono dhamaan deegaanada danta guud.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s