Madaxweynaha Soomaaliya oo la ogaaday in uu wado qorsha ay ka naxaan dhamaan siyaasiy iintii xilalka hayay dowladiisa ka hor.

Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa waxaa lasoo werinayaa qorshayaal aysan jecleysan dhamaan masuuliyiintii hayay xilalka kahor inta uusan soo fariisan kursiga ugu awooda badan dalka Soomaaliya.

Ilo ku dhaw madaxweynaha ayaa waxa ay sheegayaan in uu u sheegay lataliyayaashiisa in uu badali doono dhamaan masuuliyiinta xilalka haya ee ay magacaabeen dowladihii ka horeeyay si ay boosaskaasi u buuxiyaan shaqsiyaad ku magacaaban wareegto xafiiskiisa kasoo baxday.

Dadka aan warkaan ka helnay ayaa waxa ay sheegayaan in uu yiri Xassan Sheekh Maxamuud, “Lagu qasaaree iyo lagu faa’iideeba nin hortey shaqeynayay xil kama heyn doono dowladaan”.

Go’aankaan ayaa waxa uu yahay mid aan farxad gelineyn masuuliyiintii xilalka hayay oo qaarkood aad ugu dadaalayay xariir wacan oo madaxweynaha ay la yeeshaan si ay u ilaashadaan xilka ay hayaan, hasa yeeshee waxaa dad badan ay isweydiiyeen hadiiba siyaasadii madaxtooyada ay banaanka iska taallo oo qorshihii madaxweynuhu uu ku bedeli lahaa masuuliyiin qaarkood shaqo badan haya lawada ogyahay waxa dowlada u hagaagi kara maadaama ruux waliba uu ku hamin karo, “Koley xilkaan waa lagaa qaadayaaye hada wax aruurso inta aan lagu soo gaarin”, arintaas oo aan dan u aheyn qaranka iyo jiritaankiisa.

Waxaa go’aankaan si aad ah uga faa’iideysan doona rag hami ka lahaa in ay kasoo muuqdaan masraxa talada dalka iyada ay markii hore aad ugu jaha wareersanaayeen halka ay uga biiri karaan maamaada ay ka horeeyaan oo kuraasta ay ku fadhiyaan shaqsiyaad lacag badan heesta oo ay adagtahay si looga guuleesto..

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway
Sugullexaajorag1@gmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s