Xog la helay: hubkii ay waday diyaadii burburtay ee Ethiopia oo warar xaqiiqa ah laga helay halka uu ku socday.

Iyada oo ay dhawaan ay ku burburtay garoonka diyaarasaha Aadan Cadde ee magaalada Muqsisho diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Ethiopia taas oo waday saanad meleteri ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan halka uu ku wajahnaa hubkaasi.

Warar laga helaayo ilo lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay hoosta ka xariiqayaan in saanada Meleteri ee diyaaradaasi waday ay laheyd dowlada Soomaaliya lana doonanay in lagu qalabeeyo ciidamo dhawaan tababar loo soo xiray si ay ugu biiraan ciidanka qalabka sida ee halganka ugu jira difaaca dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku darayaan in xilligii diyaaradu dheceysay ay gegada diyaadaha Muqdisho ay ku sugnaayeen saraakiishii hubkaasi gacanta ku dhigi laheyd oo uu kamid ahaa sarkaalka dhanka saadka u qaabishan meleteriga kaas oo watay gaadiid badan oo hubka uu ugu daabuli lahaa madaxtooyada dalka si halkaasi loogu xareeyo ilaa ciidanka looga wareejinaayo.

Shilka diyaarada saanada ciidan waday oo dowlada Soomaaliya lama filaan ku noqotay ayaa waxa ay dib u dhac kii ugu darnaa ku noqotay howla dhanka ilaalinta dalka ah oo meel wanaagsan marayay oo ay kamid tahay in ciidankii tababarka loosoo xiray ee la qalabeyn lahaa tababar dib loogu celiyay maadaama aan loo heyn hub ay ku holw galaan laguna sii heyn doono xerada tababarka ilaa dalka uu kasoo gaarayo hubkii iyo saanadii ciidan ee lagu qalabeyn lahaa.

Q.W.Sugulle Mihamoud
Bodø.Norland
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s