XOG CULUS: Wararkii ugu danbeeyey ee Halka ay marayaan Golaha Wasiirada Cusub ee la filayo in la soo Magacaabo

Is bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa la dhameeyay, iyadoo lagu wado maalmaha soo socda in lagu dhawaaqo Xukuumada cusub oo ka koobnaan doonta tiradii ugu badneyd.

Tirada Xukuumada ayaa ka badan tan haatan, waxaana la isla dhex wadaa in 23-25 laga dhigo doono, waxaana hadal heynta arrimahaas ku saabsana ay yihiin kuwo aad isa soo taraya.

Sida laga soo xigatay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo is bedelka ayaa ah mid la soo gaba gabeeyay, iyadoo kaliya la sugayo in la iclaamiyo goorta lagu dhawaaqayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyada ku saabsan isku shaandheynta Golaha wasiirada, iyadoo maalmihii u dambeeyay uu xooga saarayay is bedelkaas.

Inkastoo dowladdiisa ay wajaheyso mucaarado gudaha iyo dibada ayaa cadaadiska ugu weyn waxaa kaga imaanayay dalalka deriska oo aan horay ugu qanacsaneyn Wasiiradii la magacaabay.

Goor sii horeysay ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xaqiijiyay inuu is bedel imaan doono, gaar ahaan Xukuumada, iyadoo aad dhegta loogu taagayo.

Wasiirada qaar ayaa la leeyahay waxaa loo bandhigay, qaarkoodna waaba ay aqbaleen, waxaana ka soo muuqan doona wajiyo cusub.

Shir ee iskugu imaden Bel wenta Habargdiir ayaa lagu sheegay in ee la siyay besha saruur in ee wasirka arimaha gudaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Jufada Saruur la siinayo maadaama Jufooyinka kale ay horay jakadaas u soo qabteen.

hadey arintaas dhab noqoto,dadka laga yaabo in midkood la xusho waxaa ka mid ah:General Axmed Jimcaale Cirfiid oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka

Ali Seeko oo ah Xildhibaan hore,

Aadan Xaaji Jaabiri oo ah aqoonyahan dagan UK.

Cabdi Abshir oo ah Xildhibaan hore.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodø.Norland
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s