Maqaal : Waxa aad qorayso qof adoo ula jeeda qabiil haw sahayan iyo jawaab ku socota Abdidulqadir Osman Aroma. W/Q  Maxamed Axmed Maxamed ( Hurre )

IMG_1951

Waxa qoraalkan ama qormadani tahay  mid ka duwan kuwi hore ee aad iiga barateen, waxa uuna ka duwan yahay, waxa uu jawaab u yahay qoraal uu qaybo kamida warbaahinta soogaliyay, qoraa soomaaliyeed oo la yidhaahdo Abdikadir Osman Aroma.

Ma caddayn karo magaca aan idin so ban dhigay in la adeegsaday oo kaliya iyo inu yahay qofka dhabta ah ee qoraalka bixiyay, balse aan qoraalkayga bilaabo. Inta aanan hadaba qoraalka bilaabin bal aan soo qaato, halhaysti soomaaliyeed ee ahayd <>.

Waxaan filaya halhaystani inay ku baxday sheeko dheer, waxaanse uga socda anigu <>.

Waxa ay ahayd maalin ramadaan, xiliguna waa galab, wadanka aan ku noolahay waqtigu aad bu u dheeryahay , yada oo ay galab tahay, haddana saacadaha inta aan soo dhaafay iyo inta ii hadhay waxba ma kala yarayn.

Waxaan ku daalay dhagaysi, akhris iyo qoraal intaba, waxa aan marka qorayay maqaal balse waan ku daalay oo waaban joojiyay. Waxaan haddaba furay qaar ka mid ah warbaahinta soomaaliyeed si aan uga daalacdo maxaa cusub oo so kordhay iyo maxaa xiiso leh.

Waxaan furay websiteka http://www.caasimada.com, waxaan si kadisa isha ugu dhuftay ciwaan farshaxamaysan far waawayna ku qoran oo meel geesa yaala, waxa ciwaanku u qorna sidan VOA- IDAAJAA IYO QABYAALADEYNTA SUUGAANTA.

Macnaha ciwaankani tilmaamayo iguma cusba, oo hore balafsi waa igu soo duulay, balse yada oo qoraal ah ma arkin mana daalacan, waxa aan si xiiso leh markiba ufuray ciwaanki una guda galay inaan akhriyo kana bogto, maxaanse ku arkay ama ugu tagay gudaha qoraalka.

Haddi aynu fahanay waxa ciwaanku ka dhigan yahay, bal yana aan wax ka taabto waxa aan gudaha ugu tagay.

Waxa aan bilaabay akhrinta qoraalki, waxa uuna aha qoraal aad u dheer balse ujeedka iyo hadafka qoraagu leeyahay, waxa aan markiiba ka fahmay afaafka hore ee maqaalka ilaa aaban niyada iska idhi ABDULQADIR AROMA halka uu ka leeyahay IDAAJAA IYO QABYAALADEYNTA SUUGAANTA, ee uu ciwaanka ka dhigay muxuu uga dhigi waayay DAAROOD IYO QABYAALADEYNTA, waayo qoraalku kuma ekaan oo kaliya suugaanta iyo ciwaanka uu ku bilaabay balse wuxu galay wax if jooga iyo wax aakhiro jira intaba.

Haddaba sida ciwaanka ku cad haddi qoraalku yahay mid ku socda, anigu kama jawaabeen kamana hadleen, waayo waxa uu ku wajahan yahay hal shakhsi oo kaliya, wixi la doonaba halagu hayste waa wax u gaar ah qofka uu qoraalku ku socdo.

Balse qoraalkan iyo qormadani waa ka guda balaadhnayd ciwaanka lasiiyay, taasina waxay kaliiftay bal inaan anigu ka dhoho wixi aragtidayda ah, aniga oo aan cidna difaacayn, cidna duudsiyay, cidna taageerayn, waayo waa waajib ina saaran inaynu sheegno sax iyo khalad wixi aynu aragno.

Taas oo aan qabo inay naseexo u tahay ka khaladka galay iyo ka lagu khaldamayba.

Haddaba waxa laga yaaba inaad is waydiisaan aqoon maysu leedihiin ABDIQADIR OROMO, <>.

Waxaan hadaba uga socda anigu ABDIQADIR OROMO isma naqaan balse waxaan garanaya qoraalka sax iyo khalad waxa uu yahay kana jawaab bixinaya wixi aragtidayda ah.

Haddaba waxaan akhristayaasha u sheegaya qaabka aan uga jawaab bixinayo, maaha inaan qoraalka oo dhan leeyahay, balse waxaan soo qaadanaya, 11 qodob oo aan kasoo guuriyay qoraalka Abdiqadir Oromo, mid kastana aan halkiisa ku faahfaahinayo kuna sharixidoono jawaabta aan ka qabo iyo waxa ku jira intaba.

1.   Mahdi Midgaan waxa uu tirinayay dhagahayga kuma cusba ee maxaa kasiya miyu soo waashay.

Waxaad durbaba is waydiin kartaan haddi ciwaanku aha IDAAJAA, MAHDI MIDGAANA muxu aha, balse aan sharaxaad kooban ka bixiyo.

MAHDI MIDGAAN waxa uu ka mid yahay dadka tirada yar ee uruuriya suugaanta soomaaliyeed, waxa uu muddo aan fogayn ka hor kusoo bandhigay shabakada la yidhaahdo http://www.keydmedia.net, taxane la yidhaahdo maansooley, taas uu ku soo qaatay suugaan badan oo ay leeyihiin Abwaanadi hore ee soomaaliyeed.

Abdiqadir Oromo waxa uu yidhi marki aan arkay maansooleydi Mahdi Midgaan waan ku farxay waxa aanan u dhagaystay si niyad leh, haddi aan cabbaar dhagaystay waxa uu Mahdi tirinaya iguma cusba oo waxaabad mooda inu i hor  fadhiyo Idaajaa, waxa uu yidhi waan habaaray, oo uurka ayaan ka inkaaray, waxaanan idhi buu yidhi muxuu wixiisa u arki waayay suugaan la’aani mahayse, muxuu usoo qaadanaya waxa reer kaliyi leeyihiin.

Waxa uu reer kaliya isagu marka ka wada waa DAAROOD, oo uu leeyahay suugaanta Mahdi Midgaan tirinayo waxa leh ama sheegta Daarood.

Waxa hadaba is waydiin mudan haddi uu Abdiqaadir, IDAAJAA ku haystay inu qabyaaladeeyay suugaanta, maxay tahay waxa uu MAHDI MIDGAANA ku haysta, waxa aan odhan kara waxa kaliya oo uu ku haysta maxaad u soo hadal qaaday ama uso gudbisay waxa uu hore IDAAJAA uso gudbiyay una soo qaadatay ragga ku abtirsada magaca DAAROOD.

Haddaba waxa aan odhan kara waa arin aad loola yaabo in qoraa soomaaliyeed u isaga oo shakhsi sidu doono u maagi kara cadiifada qabiil heer kaa gaadhsiiso, waayo waxaan aamin sanahay haddu IDAAJAA doonayo waxa uu heli kari laha kun meelood oo aan cadiifad qabiil ku jirin oo uu uso mari karo, isaga oo tix galinaya soomaalinimada iyo wada dhalashada ummada soomaaliyeed.

Hadaba waxa intaas oo dhanba kasi daran marki anigu aan dib ugu laabtey MAANSOOLEYDI MAHDI MIDGAAN iyo keydmedia, raadiyayna bal waxa uu soo daayay si aan u hubiyo waxa ABDIQAADIR ku habaarayo maxaa ka jira maxaase ka been ah, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahda, <>.

Haddaba aniga oo tixraacaya maahmaahda iyo garashadayda ayaan dib ugu laabtay wixi uu QABDIQAADIR ka sheekaynayay, waxaase qaadanwa iyo fajac igu noqday markaan ugu tagay ama ka helay wax ka badalan wixi uu qoray ABDIQAADIR OROMO, taas oo ahayd inu soo qaatay wax reer qudhihi leeyahay, hadaba bal aan eegno Abwaanada uu suugaantooda soo qaatay MAHDI MIDGAAN inta ugu muhiimsan.

Abwaan Faarax nuur
Abwaan Aadan Yuusuf ( Aadan carab )
Abwaan Saahid Qamaan
Abwaan Cabdulaahi Macalin Dhoodaan
Abwaan Cadullaahi Muuse
Abwaan Samatar Baxnaan
Abwaan Cabdi Iidaan Faarax
Abwaan Mustafe Sh. Cilmi
Abwaan Qamaan Bulxan
Abwaan Cadhays Ciise
Abwaan Xaashi Cabdullaahi

Hadaba waxa aan la yaabahanahay, ma ABDIQADIR OROMO, ayaan aqoon u lahayn meelaha ay kaso jeedaan abwaanada soomaaliyeed, oo waxa oo dhanba u qaba inay yihiin waa sida qoraalkiisa ku cade, hal reer oo kaliya mise wax ka wayn baa jira, anigu ma sheegayo meelaha ay kaso jeedaan abwaanadan soomaaliyeed ee aan magacyadooda soo sheegay, waayo waxaan aaminsanahay in ay soomaali odhanba abwaano u yihiin sugaantooduna u simantahay cidna gaar u sheegan Karin, balse waxaan leeyahay , haddi uu ABDIQADIR u yaqaan Hal-abuuradan aan sheegay hal reer ama waxa uu ugu yeedhay TOLWEYNAHA DAAROOD.

Waxaan leeyahay dib ugu laabo haddi kalana ka toobad keen cadiifada aad qortay ee ummada soomaaliyeed aad ku kala fogaynaysid.

2.   Barmaamijka dhaqanka iyo suugaanta soomaalida.

Hadaan eegno ciwaankan aniga ujeedkaygu maahayn inaan wax ka idhaahdo qoraalkan aan soo qaatay, waayo sida ku cad ciwaanki qormada aan ka jawaabayo, waxa hadafka qoraagu aha inu ciwaankan hadda aan soo qaatay uu wax ka dhoho, waxaanse odhan kara waxa la taraaray qoraalka oo meelo kale oo badan ayu la galay ama isagiiba intu ilaaway ayu wax kale ka hadlay.

Haddaba bal aniga oo aan ku dheeraanayn aan wax yar is dul taago. Sida uu qoraagu hadalkiisa u dhigay, anigu odhan maayo kana hadli maayo barmaamijkani waa khaldan yahay iyo waa saxan yahay, waayo taasi waxay u taala ciddi soo daysa ama soo bandhigta, balse waxaan wax kooban ka odhanaya wixi aan ka halacsaday qoraalkan.

Waxa u barmaamijkan qoraagu kusoo qaatay meel ka mid ah qoraalkiisa, waxa uuna yidhi waxaa fiicnaan lahayd meesha uu IDAAJAA ka leeyahay barmaamijka dhaqanka iyo suugaanta soomaalida, inuu ka yidhaahdo barmaamijka dhaqanka iyo suugaanta darood.

Waxaan hadaba anigu is waydiiyay markaan inta arkay, haddiba xata khalad ku jiro barmaamijkan, oo lagu soo bandhigay reer gaara sugaantiisa waa sida uu qoraye, maxaa ka saaraya somaalinimada, maxayse kala yihiin kuu udoodayo iyo kan uu soomaalinimada ka saarayo ee u diidan yahay.

Miyaanay ahayn labaduba soomaali kuna wada abtirsan. Muxuuse haddu hayo cid suugaanteeda la duudsiyay, isaga oo aan cidna maagin soomaalinimadana cid ka saarin uu usoo badhigi waayay, isaga oo adeegsanaya inta barmaamijkani adeegsadayba, ma cidba udiiday oo waanu awoodaynin taas.

Haddaba aragti ahaantayda waa arin aad la yaab u leh, oo aan odhan karo waa dib u dhacwayn in maanta dhaqanki iyo suugaanti soomaaliyeedna la qabyaaladeeyo, oo loo abtiriyo abwaanadi ummada somaaliyeed, taas oo had
ay sida ii muuqata kusii socoto laga dhaxli doono in nin walba intiisa dhagaysto, oo waliba hoos laysaga sii dago, waayo waxaan aaminsanahay haddi soomaalinimo wax loo wada haysan waayay inaan reernimana waxba loo wada haysan Karin, waxaana taas marag u ah heerka aynu siyaasada maanta ka joogno waana sida lagu wado dhaqanki iyo suugaanti soomaaliyeed hadaynaan is daba qaban.

3.   Axmed Faarax Idaajaa iyo Maxamed Siyaad Barre xishood la’ aanta iyo gabood falka waa dhaqan guud oo ay ka dhaxleen kana hidde raaceen tolweynaha ay ku abtirsadaan.

Hadaba marka aynu u laabano ama is barbar dhigno ciwaanki guud ee qoraalka aan tixraacayo iyo ciwaankan aan soo qaatay, waxa aynu is waydiin karna su’aalo badan oo ay ka mid yihiin.

Siyaad Barre iyo Axmed Idaajaa maxaa isu keeni kara oo ay wadaagaan, Siyaad Barre waabu dhintaye muxu ka og yahay waxa maanta lagu haysto Idaajaa, muxuu yahay tolweynaha ay wadaagaan Siyaad Barre iyo Axmed Idaajaa, maxay tahay xishood la’ aanta iyo gabood falka ay tolkood ka dhaxleen, maka dareemaynay ciwaanka guud Siyaad barre mise wuxu aha wax Idaajaa ku kooban oo kaliya.

Hadaba aniga oo wixii jawaabo ah ee su’aalahan u dhaafaya akhristayaasha iyo bulshada soomaaliyeed, bal aan si kooban isu dul taago qodobkan iyo waxa uu xambaarsan yahay.

Waxa anigu aan odhan kara waa arin lala yaabo, waxa maanta halki aynu sugaynay in ummada soomaaliyeed hore uga socoto, dhawr iyo labaatan sanno dib loogu celiyay, waayo hadaynu sii raacno ujeedka qoraalkan ina hor yaala, waxa aynu ka dheehan karna inu yahay mid ku talaalan wixi ummada soomaaliyeed 22 sanno ay ka ciidamin wayday.

Waana wax aan odhan karo sida aan qabo, waxa ay ummada soomaaliyeed ku tahay dib u dhac iyo gaboodfal aad u xun, in la shaaciyo lana soo bandhigo is barbar dhigyada noocan oo kale ah, kuna beeraya ummada soomaaliyeed cadiifad hor leh iyo wixi aynu is lahayn waa laga soo kabanaya oo dib loogu laabto.

Wxaanan si guud iyo si gaaraba leeyahay ummada soomaaliyeed, halaga waan toobo qoraalada noocan ah, hana laga shaqeeyo midnimada iyo isu soo dhawaynta tolwaynaha soomaaliyeed
4.   Miyaanay ogayn halki ay ku danbeeyeen Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Siyaad Barre.

Waan ogahay inaad dareemi kartaan ciwaanki guud ee aynu soo aragnay iyo kuwan aan kaso dhex saaray, ee kanina ka mid yahay, inaanay shuqul iyo shaqotoona iskulahayn.

Hadaba waxaan idin leeyahay hala yaabina, waa waxa igu kaliifay inaan daba galo aragtidaydana idinla qaybsado. Bal hadaba qodobkana aan si kooban isu dul taago.

Waxa aynu hore usoo aragnay in bar tilmaameed sigu aha, Idaajaa iyo qabyaaladaynta suugaanta.

Hadaba waxaa is waydiin mudan, halkeebay kaso gali karaan labadan marxuun ilaahay naxariisti janno haka waraabiye.

Haddise hadafku aha qabyaaladaynta suugaanta, miyay gabyi jireen yagu, mise waxay aruurin jireen suugaan rag hore leeyahay.

Bal waxaan hadaba jawaabta iyo aragtidaba u dhaafaya bulshada soomaaliyeed, waayo waxaan filaya inay iska cadahay waxa ay jawaabtu tahay.

Waxaanse anigu kusoo koobaya waxa halkan ku cad, odhaahdi aan laha muxu ABDIQADIR OROMO u idhi waayay Daarood iyo qabyaaladeynta, halka uu kalaha Idaajaa iyo qabyaaladeynta suugaanta.

5.   Axmed Faarax Idaajaa iyo Awjaamac Cumar Ciise.

Labadan qoraa ee aan magacyadooda soo qaatay, waxa uu Abdiqadir Oromo ku xusuyay qayb ka mid ah qoraalkiisa.

Waxa aynu hadaba u jeedna marka aynu tix galino ciwaanki ABDIQADIR AROMA inu halkana ku cusub yahay Awjaamac Cumar Ciise oo isna ah qoraa soomaaliyeed.

Hadaba sida aan kor kusoo sheegay ujeed kaygu maahayn inaan difaaco shaqsiyaad gaara, waxase aan usoo qaatay bal inaan tuso bulshada soomaaliyeed khaladaadka badan ee ku jiray qoraalka.

Sida aynu ognahay labadan qoraa waa ku caan bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, si wayn baana looga yaqaana, sidaa darteed wax inta ka badan kama odhanayo, waxaanan u dhaafaya bulshada soomaaliyeed.

6.   Dooxatadi Daraawiishta ( alshabaabki waaga ).

Waxaan inaya marki koowaad ahayn, oo aad la yaabi doontaan ciwaankan aan soo qaatay oo ku jiray qoraalki ABDIQADIR OROMO iyo ciwaanki ahaa IDAAJAA IYO QABYAALADEYNTA SUUGAANTA.

Maxaa ka dhaxayn kara ama isu soo hoos gali karaan qoraalka aan soo qaatay iyo cawaankaasi.

Haddaba akhristayaal anigu waan ku wareeray, wixi aan ku sifayn laha qoraaga labadan ciwaan isla dontay, waayo ma waxaynu odhan karna waa qof cadiifadaysan, ma waxaynu odhan karna waa qof qolo nacayb ku jirto, ma waxaynu odhan karna waa qof qof kale neceb, ma waxaynu odhan karna waa qabyaaladayste, bal waxaan u dhaafaya akhristayaasha oo aan leeyahay, waxaan idinka suga sifada iyo tilmaanta la siin karo.

Aniga oo ujeedkaygu ahaa oo kaliya bal inaan meelaha khaldan farta ku fiiqo, hadana waa lagama maarmaan, bal inaan wax aan badnayn kaso qaato taariikhdi daraawish oo aan filayo in cid walba ka dharag san tahay.

Daraawiish waxay ahayd waxaan umalaynaya waqtigan iigama baahna soo bandhig, balse waxaan wax yar oo kooban daba galaya erayga DOOXATO : hadaynu eegno macnaha saxda ah ee eraygan, waxa uu noqonaya ama loo soo qaata dagaalada lagu laayo  maantada( caruurta iyo haweenka ), balse laguma tilmaamo ama looma adeegsado dagaalada ay iskaga hor yimaadaan dadka gaya ( RAGGA ), gaal iyo islaam ciddu doonaba haw dhexeeye.

Waxaa hadaba is waydiin mudan, daraawiish yay la dagaalamaysay ma caruur iyo haween bay laynaysay oo bar tilmaameed u aha jawaabtu waa maya, ee waxay la dagaalamaysay gumaystihii dalka haystay ee Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Haddaba saw ma odhan karayno waxaa ugu horaynba khaldan inta aynan meel kalaba gaadhin adeegsiga erayga dooxato, oo meel aanu qaban ku jira jawaabtu waa haa. Akhristow maaha inaan daraawiish difaacayo ama aan ugu tala galay qoraalkan inaan difaaco ama aan dhoho may lahayn xumaan daraawiish, balse waxa aan ka hadlay waa macnaha erayga ina hor yaal iyo meesha uu ku jiro oo aad u kala fog.

Haddaan wax yar hoos u dago, waxaan filaya inay daraawiish tahay taariikhda kaliya ee maanta ugu caansan caalamka ama loo yaqaan inay la dirireen gumaystayaashi dalka yimi, waana mid qoraal iyo qiraalba leh ee maaha wax mugdi iyo madaw ku jira. Bal aan qodobkaana inta ku dhaafo.

7.   Tolweynaha daarood hidde iyo dhaqan uma laha hees iyo cayaar, waana uur ku taalo iyo wax laga qoomameeyo inay fannaaniinti qabyaalad dhex dhigaan.

Akhtistayaal waxaynu marayna qodobki todobaad, ilaa iyo haddana wali maynaan arag qodob buuxinaya shuruudaha ciwaanki aynu soo aragnay yeelanayo ama waafaqsan ciwaanka.

Hadaba akhristayaal saw lama odhan karo waa haboontahay in qoraalkan la daba galo, lana iftiimiyo waxa ku jira, jawaabtu waa dhankiina. Bal aan dib ugu laabto qodobka, isna yara dul taago.

Ujeedkaygu ma ahayn inaan dood galo, ama aan dhoho waxaasi waa jiraan ama ma jiraan, balse waxaan ku tala galay inay dadku arkaan waxan si ay yagu jawaabta uga bixiyaan, waayo waxaan filaya wax walba bulshada soomaaliyeed waa ka dharagsan tahay, cid wax ka qarsoon yihiina majirto. Balse waxaa is waydiin mudan haddi aynu ka nimaadno heesaha iyo ciyaaraha, maxay yihiin fannaaniinta daarood qabyaalada dhex dhigay.

Tani waxaan filaya in jawaabteedu u taal bulshada soomaaliyeed iyo qoraaga laftiisa.

8.   Saado Cali Warsame, Axmed Cali Cigaal iyo Maryan Mursal Ciise.

Saddexdan fannaan waxaynu ognahay, inay caan ka yihiin masraxyada iyo soomaalida dhexdeeda hadday tahay xilliyadi bari samaadki iyo haddaba.

Haddaba sida aynu hore uso aragnay qodobada oo dhanbaan waafaqsanayn ciwaanki aan tix raacayay, balse waxa uu qoraagu saddexdan fannaan ugu sii daray af lagaado, taas oo uu tilmaamay inaysan u qalmin fannaanimada iyo isa soo hortaaga ummada soomaaliyeed.

Waxa uuna ku matalay isaga oo cid kale oo waliba magac qabiil wata bar bar dhigaya qof qaawan oo qof labis qurxoon sita u faanaya.

Haddaba waxa aan usoo bandhigaya akhristayaasha iyo ummada soomaaliyeed, laba su’aalood. Maxaad u malaynaysaan inu ka dhaxayn karo ciwaanki guud ee cabdiqadir aroma iyo saddexdan fanaan.

Muxuu qoraagu ku kala doortay fannaaniinta soomaaliyeed, oo qaarna u baawaynaya qaarna u xaqiraya, oo uu soomaalinimadi iyo haybadi ay lahaayeen, ugu baddalay qabiil oo aynu og nahay inu khayrkeen iyo khayr ku xigeheenba inaga reebay. Jawaabtu waa dhankiina akhristayaal.

9.   Kooxda fannaan fowdo.

Magacan waxa uu qoraagu kuso qaatay qayb kamida qoraalkiisa, isaga oo waliba sharaxaad ka bixiyay.

Waxa uuna yidhi qoraagu, umalayn maayo qof heli kara Magool iyo Mooge , Tubeec iyo Nimco Yaasiin, inu dhagaysanayo kooxda fannaan fowdo.

Hadaba waxaad is waydiin kartaan mar haddu qoraagu xusay qayb ka mid ah fannaaniinti qaranka soomaaliyeed, inti dhimatay alle ha u naxariiste, yuu ku tilmaamaya fannaan fowdo ama uu leeyahay lama dhagaysan karo.

Waxaan filaya is waydiintaa jawaabteeda waxaad ka dheehan kartaan qodobka 8aad, oo aan kaga soo hadlay saddex fannaan oo uu qoraagu fanka kaga fadhiisiyay abtirsiinyaha iyo reerka ay kasoo jeedaan.

Waxaan hadaba u malaynaya inay bulshada iyo akhristayaasha utaal meesha saddexdan fannaan ay magacaa ku qaateen, kagana tageen kii qaranka soomaaliyeed.

10.                   Dhan u burida Tubeec, Cumar Dhuulle, Ilma Mooge, Magool, Maandeeq, Cabdiqadir Jubba, Cabdi Tahliil iyo Khadra Daahir.

Marka hore waxaan leeyahay inti dhimatey alle haw naxariisto, jannatul firdawsana haka waraabiyo, inta noolna ilaahay cimrigooda haw barakeeyo khaatumadana haku sugo.

Fannaaniintan aan soo qaatay iyo qaar kalaba waxaa qoraalkiisa ku xusay qoraaga, waxa hadaba wax aad loola yaabo ah, inaga oo maanta dareemi karna waqtiga iyo xaalada lagu jiro , in qoraa soomaaliyeed uu soo bandhigo qoraal uu ku abuurayo cadiifad iyo beeritaan cudur kala dhex gala ummada soomaaliyeed.

Waxaa lays waydiin kara qodobkan wax cadiifad ah kuma jirto oo fannaaniintu waa ummada soomaaliyeed oo dhanba ee maxaad ku haysata, waxa aan odhan kara waa run oo waa fannaaniinti ummada soomaaliyeed, waxaase wax laga xumaado ah, in fannaaniinti qaranka soomaaliyeed qaarkood geeska lagu feedho yada oo loo eegayo abtirsiinyo qabiil, barbardhig iyo loolana lagu sameeyo fannaaniinti oo yagu aan qabiil iyo qoys midna ahayn ummada soomaaliyeedna aan u kala sogayn, yada oo la leeyahay yaan qaarkood la dhagaysan.

Haddaba waxaan leeyahay waa in qoraagu ka waantooba waxa abuuraya cadiifada iyo kala fogaanshaha ummada soomaaliyeed ee walaalaha iyo halka qoys ah, halka fanaana leh.

11.                   Soomaali qabyaalad hadhaafto waa bahal ceedhin ha dhaafo.

Qodobkani waa uu ka duwan yahay kuwi aynu hore usoo aragnay, waana run oo soomaali qabyaalad waa adag tahay sida ay u dhaafta.
Waxase fiican marka aad ka waaninayso inaad adigu ka dheertahay qabyaalada.

Waxaa la yidhi, <>.

Waxaan haddaba leeyahay haddi qoraagu leeyahay aniga dhiigayga ayay raacday waxa aanan ka waaninaya inti iska dayn karaysa, waxba hagaagi maayaan, balse waxaa fiican inaad adigu iska bilowdo, oo aad dayso kadibna aad dadka ka waaniso.

Haddaba waxaan leeyahay qoraaga haw adeegsan qalinkaaga dhanka xun ee u adeegso dhanka wacan iyo horumarka bulshadan rafaadsan, sidi looga saari laha dhibta iyo rafaadka daashaday.

Gabagabada iyo gunaanadka
Waxaan marka hore illaahay ka baryaya inu xaqa ina waafajiyo, ummada soomaaliyeedna beerkeeda burcad isu mariyo, inta qalinka wax ku qortana uu qalinkooda mideeyo, inta afka ka hadashana uu hadalkooda mideeyo.

Inta kadib waxaan qoraalkayga ku soo gabagabaynaya, walaalayaal ujeedkaygu maahayn inaan diifaaco shakhsi iyo qabiilna midna.

Balse waxaa rabitaankaygu ahaa inaan idin soo bandhigo khaladaadka ku jira qoraalka uu bixiyay qoraagu, kaas oo aan ahayn wax qarsoon oo idinba aad arki kartaan.

Haddaba waxaan leeyahay waa waajib qof kasta oo soomaaliyeed saaran, walaalkiina alle haka dhige haddu khaldan yahay inu yidhaahdo, waad khaldantahay ee saa maaha ama halkaa aad martay mahaboona ee kalaabo.

Taasina waa sababta aan qoraalka u sameeyay aniga oo aan cidna ku maagin cidna ku aflagaadayn, balse aan uun soo guuriyay meelihi aan u arkay in maroor ku jiro, oo u baahan tahay in la soxo.

Sida aan horaba ka dhawaajiyay ma diidani in uu qoraagu shakhsiyaad dhaliilo ama ku tilmaamo inay xad gudub iyo qalooc  wadaan, balse waxaan odhan kara waxa uu qoraagu mari karayay waddooyin badan oo tan hadda ka duwan, kuna bar tilmaameedsan karo cidda uu filayo inay ummada khalad ka gashay, waxa uuna soo bandhigi laha isaga oo hadal qaran iyo qoraal qaran labadaba ka bixinaya.

Waxase qoraalkani hadda u muuqda in uu huubada kusii kicinayo, waxa uu rabo qoraagu inu saxmo. Taasina ay keeni karto inaynan helin wax sii xumaada mooyaane wax sii saxma.

Waxaan hadaba qoraaga leeyahay inaga oo aan qabiil maagayn, inaga oo aan qabiil laynaga dareemayn, inaga oo aan qabiil u doodayn, inaga oo aan qabiil la doodayn, waa in aynu qalinka iyo afkaba ku tilmaanaa wax kasta oo khaldan, taana waa ta kaliya ee aynu xalka ku gaadhi karno.

Waxaan ummada soomaaliyeedna leeyahay waxkasta waa dhacaan, waa la kufa oo waa la kaca, waa la jaba oo waa la kammaa, waa la xanuusada oo waa la caafimaada, ee aynu isku dayno oo niyada iyo qalbigaba isu furno inaynu kufnay oo kacayno.

Waa inaan niyadu inaga dhiman oo aynan mar walba meesha xun uun inoo muuqan, ee waa inaan inta wacan fiirina si aynu mar labaad u helno qaran iyo midnimo hir gasha, waana in laga foogaada wax kasta oo keeni kara dib dhac iyo halki aynu joognay oo aynu dib uga sii noqono, oo aynan mar qudhaba madaxa lasoo kicin.

Haddaba akhrisyataal waxa qoraalkaygi ku eg yahay intaas, waxaanan dhamaan idin leeyahay mahadsanid waqtiga aad u hurteen.

Halkana ka daaloco lifaaqa qoraalka aan ka jawaab bixiyay  http://caasimada.com/voa-idaajaa-iyo-qabyaaladeynta-suugaanta-i-wqcqaadir-aroma/

Mohamed Ahmed Mohamed ( Hurre)
Hurre2010@gmail.com

H.w.Sugulle maxamoud
Bodø.Norland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s