Madaxweyne Xasan oo Gudoomiye umagacaabay Gobolka G/gaduud siyaasi caan ah kaasi oo lagu magacaabo……

Xeer Madaxweynaha Lr.93

Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka galgaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay: Qodobada 87aad, Xarafka “C” Qodobka 90aad, Xarafka “K” iyo 99aad,

Xarafka “G” Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay:- Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha gudaha & amniga qaranka warqadda Lr.

                             WAG&AQ/XW/00310/13 ee July 13, 2013.

Markuu Ogaaday: In ay dhamaatay mudadii ku-meel gaarka ahayd ee Guddoomiyenimada

Gobolka Galduud uuna Gobalka u baahanyahay Maamul rasmi ah.

Markuu Tixgeliyay:  Inay jirto in baahi loo qabo in la billaabo dhisidda Maamul u sameynta

Gobolada iyo Degmooyinka si looga sii ambaqaado mustaqbalka inay

Dhismaan Dowlad-goboleedyada.

Madaxweynuhu waxa uu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad

Waxa uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Ansixiyay laga bilaao maanta oo ah 27/7/2013 in uu Mudane Xuseen Cali Wehliye noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Qodobka 2aad

Wuxuu xeerkan dhaqan gelayaa si deg deg ah maalinta uu madaxweynaha saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmi ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodø.Norland
Norway
Sugullexaajorag1@gmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s