Alshabaab oo soo bandhigtey Filim Soomaali-American u dagaalamaysa iyo Saxaafadda oo Ka hadashay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay walaac ka muujiyeen filim ay dhawaantaan soo bandhigeen maleeshiyaadka kooxda Alshaab oo ku saabsan Soomaali ka tagtey dalka Mareykanka si ay ugu biiraan kooxda Alshabaab ugana qeyb qaataan dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.

Filimkaan oo ay kooxda Alshaab ugu magac dareen Mujaahidiintii Minnesota: dariiqa Janadda Fardowsa ayaa waxaa uu ku saabsan yahay 3 ka mid ah Soomaalida ku nooleyd magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka oo isaga tegay dalkaas islamarkaana ku biirey maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, Filimkaas ayaa waxaa kaamirada lala dabagalay sadaxdaas dhalinyarada ah iyadoona la duubay sida ay dagaalka uga qeyb qaateen ilaa lagu soo gebagabeeyey geeridooda, Filimkaan oo soconaayo ku dhawaad 40 daqiiqo ayaa FBI dalka Mareykanku waxay ku sheegtay in ujeedkiisu uu yahay in lagu dhiiri galiyo dhalinyarada kale ee ku nool dalka Mareykanka inay u soo kicitimaan jihaadka oo ay ku biiraan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, Sadaxdaas dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabi jirey Dahir Gure, Maxammad Al Amriki iyo Moxamud Xassan oo ahaa dhalinyaro aqoonyahano ah ayaa waxay ka tageen dalka Mareykanka gaar ahaana gobolka Minnesota waxayna ku biireen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab iyadoona dhalinyaradaas laga duubay filim ilaa ay ku geeriyoodeen dagaalka.

Ugu dambeyntiina iyadoo filimkaas sida muuqato uu yahay mid lagu soo jiidanaayo Soomaalida ku nool qurbaha oo lagu dhiirigalinaayo inay ku biiraan maleeshiyaadka kooxdaas Alshabaab islamarkaana ay ka qeyb qaataan waxa ay kooxdaas ugu yeeraan jihaadka ayaa sidoo kale waxay kooxdaas Alshaaab ay sheegtay inay soo wado filimo kale oo ku saabsan Soomaalidaas uga timid jihaadka dalka Mareykanka, Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa waxay arintaas ku tilmaameen inay tahay wax laga xumaado, Filimkaas oo ay kooxda Alshaab ay ku faafisay barta Youtubke ayaa maamulka Youtubeka ay ka saareen halkaas ka dib markii la sheegay inuu yahay mid aan ku habooneyn halkaas islamarkaana dhiiri galinaayo nacayb iyo dagaal.

Halkan ka daawo

Q.W.Sugulle mohamoud
Bodø.Norland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s