Wararkii ugu dambeeyay ee Sheekh Xasan Daahir Aweys & Dowlada oo fursad qaali ah iska beerdareysay (Warbixin)

Wararka ka imaanaya xarunta Nabadsugida Dowlada oo wali uu ku xiran yahay hogaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa ay sheegayaan in kiiska sheekhaan la soo af jari doono marka laga baxo munaasabada Ciidul fitriga.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa diiday inuu ka jawaabo Su´aalo badan oo muhiim ah wuxuuna taas badalkeeda ka cudur daartay inta lagu jiro bisha barakeeysan ee Ramadaanka inuusan ka soo dabci doonin moowqifkiisa adag ee weli dagaal doonka ah.Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu wadaa dhawaan in dalka Soomaaliya laga masaafuriyo waliba degnaansho laga siiyo wadamada kala ah Qatar ama Turkiga waa hadii uu ogolaado ama balan qaado dhoor shuruud oo laga doonayo, waxaana shuruudahaas ugu muhiimsan.
1-Inuu Shacabka Soomaaliyeed cafis weeydiisto kana raali galiyo dagaaladii ahliga ahaa ee uu ka soo qeeyb qaatay. 2- Inuu ku dhawaaqo in uu ka haray kana tanaasulay dagaal dambe oo dalka ka dhaca.
3-Inuu Saxaafada horteeda ka eedeeyo moowqifka qaldan ee weli ay ku taagan tahay xarakada Al Shabaab .
4- iyo inuu raali gelin balaaran ka dhiibo qaar ka mid ah Culumada ugu caansan dalka Somalia oo uu dhoor jeer ku sheegay rag Murdadiin ah oo dhiigooda uu banaan yahay , wuxuuna hadalkaas yiri intii uu ka mid ahaa xarakada Al Shabaab .
Shuruudaha Jawaabahaan iyo kuwo kale oo aanan sidaas u adkeen ayaa waxaa jawaabtooda laga sugayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo is bad-badalkiisa loo bogi waayay mudo ka badan hal bil balse Sheekha ayaa ku adkeestay in uu go´aan cad qaadan doono marka ay dhamaato bisha barakeeysan ee Ramadaanka oo iminka gabo gabo mareeysa.Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa iska beerdareysay fursado qaali ah oo ay ugu soo gacan geli rabeen rag ka mid ah masuuliyiinta ururka Al Shabaab iyo horjoogayaashooda oo dagaal hooseed uu kala dhaxeeyo amiirka Al Shabaab Axmed Godane balse ragaan ayaa candhuuftooda dib u laqay markii ay arkeen sida Dowlada ula dhaqantay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo iyaga ka magac dheeraa kana miisan wayna .

Q.w.sugulle mohamoud
Northland.Bodø
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s