War naxdin leh: gawaari raashin gargaar ah waday oo habeenkii xalay ahaa lagu gubay iyada oo waliba dadkii la socday qaarkood aan la ogeyn halka lala aaday.

Wararka laga helaayo magaala xeebeedka Boosaaso ee gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa kooxa hubeysan oo qaarkood wato tuutaha ciidanka puntiland ay ku gubeen duleedka magaaladaasi gaadiid raashin gargaarka kasoo daabulay dekada magaaladaasi xilli ay ku soo wajahnaayeen gobalka Mudug oo ah halka loo waday gargaarka.Dadkii lasocday gaadiidka la gubay oo qaarkood ka baxsaday halkii gaadiidka lagu gubaayay baabuurta dabka la qabadsiiyay ayaa waxa ay sheegeen in wadada loo istaagay xilli ay marayeen deegaanka Yeenhoow halkaasi oo lagu amray in ay isaga soo degaan kadibna indhaha laga xiray lana baartay jeebabkooda kadibna gawaaridii dab la qabadsiiyay.Waxa ay intaa ku dareen in ay gaadiidkaasi oo ahaa laba waaraad oo raashin ka buuxay dabku uu baa’bi’iyay iyada oo aan la ogeyn halka ay ku maqanyihiin shaqsiyaadkii kale ee la socday kuwaas oo markii ugu war danbeysay ku jiray gacanta burcadii gaadiidka gubtay.Raashinka la gubay oo aan la ogeyn cidda sida rasmiga ah ugu lug leh gudihiisa marka laga reebo in ay gubeen burcad tuuta iyo dhar shacab ah watay ay dab qabadsiiyee, waxaana raashinkaasi bixiyay hey’adda WFP iyada oo loogu tala galay in lasiiyo shaqsiyaad ku nool gobalka Mudug.

Q.w.sugulle mohamoud
Northland.Bodø
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s