Heshiiska laga dhax wado Dowlada Somalia iyo Maamulka Axmed Madoobe Maxaa Hormar ah oo kasoo bixi kara?

Waxaa shacabka soomaaliyeed si diiran usoo dhaweeyay heshiiska weli aan dhamaanin ee u socda dowladda soomaaliya oo uu methelaayo waziirudowlaha madaxtooyada ustaad faarax sh c/qaadir iyo maamulka jubooyinka ee uu horkacaayo sh axmad madoobe.Haddaba waa maxay guulaha uu heshiiskaasu u horseedaayo dalka soomaaliya haddow hirgalo?Runtii lamasoo koobi karo laakin waxaan kasoo qaadaneynaa kuwaan;-1-In 2-da dhinac ey usoo jeestaan wada shaqeyn iyo horumarka deegaanka iyo dib u xureynta deegaanada weli ku haray gacanta cadawgooda intey ku mashquuli lahaayeen colaado iyo khilaaf dhexdoodaa oo ku dhamaanaaya oo kaliya iney wada fashilmaan lagana faa,iideesto.2-In dowladaha diriska iyo kuwa caalamkuba usoo jeestaan gacansiinta maamulka dowladnimo ee soomaaliya oo uu ku dhexjiro maamulka jubooyinkuna halkii haddaan heshiis dhicin ey ku mashquuli lahaayeeen isku dirkooda iyo hurinta colaado dhex marta waxaana tusaale u ah arinkaas go,aanada shirkii kanbala oo aad uGu gogolxaaraayay heshiiskaas kuna yimid heshiiska oo haddaan heshiiskaasu Jiri leheyn lagama yaabeen iney go,aanadaan oo kale soo saaraan.3- In jubada hoose ey hesho horumar deg dega maadaama maamulka sh axmad ee jubada hoose ow helaayo aqoonsi rasmiya ee dhanka dowladda ah ciidamadiisa jabhaduna ey kamid noqonaayaan ciidamada qaranka toosoo horseedi doonta horumar dhanka arimaha bulshada ah oo ey helaan deegaanada gobolku iyo ciidamada oo mideysan oo ku guuleesta hadafkooda ah amaanka deegaanka.4- Heshiiska jubooyinku woxow horseedaayaa heshiis ka dhaca gobolada kale oo iyaguna maridoona wadada jubada hoose oo iyaguna u baahan iney dadkoodu shirweyne isugu yimaadaan oo ey ku doortaan maamul heer gobol ah oo aan eheyn maamul dowladeed oo dhalanteeda balsa ah maamul gobol oo sax ah oo hoos yamaada dowladda dhexe haddana leh awoodo maamul oo heer goboleed ah.5- Heshiiska jubooyinku woxow iskusoo dhaweynaayaa dowladda dhexe iyo maamulada gobolada kale waayoo dad badan ayaa dowladda shaki ka qabay siyaasadeeda ku aadan gobolada oo u heestay ineysan dadka gobolada dega eysan uba ogoleyn wax xuquuq ah oo ku aadan iney iyagu doortaan maamulada ey doonaayaan ee aan loosoo magacaabin taasna waxaa meesha ka saaray heshiiskaan jubada hoose oo tusaala wanaagsan u noqondoona dhamaan maamulada 18-ka gobol oo weli eysan ka dhicin doorashooyin sax ah oo dadka deegaanadaasu ey doortaan dhalinyarada goboladaas wax usoo baratay oo adduunyada dacaladeeda ku kala firirsan oo dowladda dhexe looga baahanyahay iney jaanis u siiso iney deegaanadooda ey maamulaan horumarna ka sameestaan.6- Heshiisku woxow mideynaayaa xubnaha baarlamaanka oo maalmahaan ku kala qeybsanaay arinta jubada hoose iyo dagaalada ka dhacay taasuna waa guul siyaasadeed, waayoo dowladdaan madaxweyne xasan sheikh guuleheeda uGu waaweyn ee ey ku tilaabsatay waxaa ka mid ah 10-bilood ee ey jirtay in ey ka badbaaday khilaaf madaxda sare ka dhex dhaca sidii lagu arki jiray dowladihii ka horeeyay marka laga reebo sh shariif iyo farmaajo 6-doodii bilood,haddaba waxa heshiiskaanu dib u mideynaayaa mudanayaasha baarlamaanka aragtidooda ku aadan jubbooyinka haddow hirgalo.7- Hishiiskaanu woxow soo afjaraayaa siraaca qayaaladeysan ee ka jiray jubbooyinka oo salka ku haayay taariikhdii madoobeed ee kismaanyo soo martay iyo ku jabhadeyntii qabaa,ilka iyadoo qabiil walba u heesto inow asagu mudnaanta 1-aad leeyahay maadaama magaaladaas la wada dego oo ey tahay meel soomaaliyoo dhan ey wada degto laakin hadba reerka uGu qorya badan xiligaas ey si gaara u sheegtaan ayaa waxaa dib usoo noolaaday siraacaas khatarta badan oo inta badan hogaamiya kooxeedyo ka faa,iideestaan iyo kuwa maamula sheeganaaya oo doonaaya iney dowladda dhexe ku carqaladeeyaan.Haddaba heshiisku waxaasoo dhan ayuu meesha ka saaraayaa woxowna horseedaayaa in dowladda dhexe oo iyadu talada wadanka hageysa iyo madaxa maamulka jubada hoose sh axmad madoobe oo ah ninkuu shalay usoo dagaalamay dhibka badana usoo maray iney toos isugu fahmaan maamulka magaaladaas gacantana ku wada qabtaan inta kalena aan jaanis loo siin iney ka dhex kaluumeestaan dhanka hurinta colaadaha siyaasadeed.Haddaba iyadoo aan lasoo koobi Karin faa,iidooyinka heshiiskaas ayaa waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in umada oo dhan looga baahanyahay iney gacan buuxda siiso ilaaheyna laga boqo oo la daayo hurinta colaadaha qabiil iyo danaha gaarka ah amaba jifo oo loosoo jeesto dhismaha qaran sharafleh ee soomaaliyeed iyo isku duubnida umada walaalaha ah ee kasoo kabanaaya boogihii xarbigii ahliga ee guul daro.Ilaahey ayaan weydiisaneynaa dhamaadka bishaan barakeysan ee ramadaan inow na haleeshiiyo kheyrka oo dhan naguna duwo wadada sacaadada adduun iyo aakhiraba dalkana ka qabto kuwa qabyaalada iyo inxiraafka diinta ee ku dhisan daadinta dhiiga muslimka ku qaraabta aamiin.

Q.w.Sugulle mohamoud
Northland.Bodø
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s