Haweyney gurigeedii ku bur burisay daawashada Musasal ay ku tixneyd (AKHRISO)

 Sheekadaan waxay ka dhacday magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia waxaana ay timid markii mid ka mid ah sheekooyinka musasalaadka ee Tv-yada Afka somaliga ku hadla ay baahiyaan ay iyadu ku tixneyd.Haweyney magaceeda lagu soo gaabiyey Nasro ayaa waxay lahayd wiil iyo gabar waxaana ay udhaxday nin lagu magacaabo Farxaan hayeeshee maxaa dhacay guri farxad lagu dhisay ubadna yimid kadib?Nasro waxay aad ula socon jirtay mid ka mid ah Musasalka ay baahiso Tv-ga Horn Caple waxaana uu soo gala musasalkaasi abaare 9:30 fiidnimo waqtiga muqdisho iyadoo habeen walbo daawan jirtay.Nasro meeshii ay gurigeeda dhaqan lahayd wax walbo waxaa uga wanaagsanaaday daawashada film musasalka ah iyadoo aan meel ku sheegin ka war qabka inuu casheeyey seygeeda Farxaan iyo in kale.Nasro dhawr habeen iyadoo guriga quful kor kaga xirtay ayaa waxa yimid ninkeeda Farxaan isagoo aad uga carooday arinkaasi sabar badan kadib ayuu habeen isagoo jooga waxay ku tiri ninkeygoow cunuga sii ogow musasalkii ayaa soo galaye.Farxaan ayaa u’aamusay oo markii ay soo dhameysatay Nasro musasalka waxa uu uyeeray xaaskiisii kuna yiri inad daawato musasalka miyaa kuu soo guursaday markaas bay tiri wax walbo oo la sameeyo ma dhaafayo filmkaasi.Ninkii farxaan ahaa ayaa sidaasi sameeyey oo ku yiri oo hadaadan iska dhaafi Karin ilmaha ii xafid waana fasaxan tahay (waa la furay) iyadoo aad uga xumaatay arintaasi Nasro hadana waxay ku weyday gurigeedii dhisnaa daawashada musasalka ay aadi jirtay.

Q.w.sugulle mohamoud
Northland.Bodø
Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s