Wiil Afar sano Jir ah oo Markii Labaad ku Guulaystay in uu noqdo Duq Magaalo (Daawo Sawirkiisa)

image

Wiil 4 jira oo la yidhaa Mr. Robert Bobby, weligiina aan dugsi waxbarasho foodda gelin, ayaa markii labaad ku guulaystay doorashada xilka maayarnimada magaalo yar oo dalxiiska loogu talogalay oo ku taal woqooyiga Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Wiilkan yar oo loo yaqaan Mayor Tufts, waxa mar labaad lagu dhawaaqay Axaddii toddobaadkan inuu noqdo duqa magaalada Dorset oo ah magaalo aan lahayn maamul sax ah, waxana ku nool 22 ilaa 28 qof.

Wiilkan aadka u da?da yar ee maayirka noqday, ayaa dadka magaaladaasi si weyn ugu codeeyeen, qof kasta oo magaaladan ku noolna aad buu u jecel yahay Mr. Tufts, waxaanay markii ugu horreysay ee xilkaas loo doortay da?diisu ahayd 3 jir.

sannadkii hore, iyadoo hooyadii oo la yidhaa Emma Tufts sheegtay in iyada iyo wiilkeedu oo bisha October 5 jirsanaya aad u farxasan yihiin xilka culus ee inankeeda yar loo doortay.

Doorashada wiilkan yar waxay ka dhacday meel dabbaaldeg ah, waxaana magaciisa lagu dhex daadiyey dad badan, kadibna dadkii waxay doorteen magaciisa oo nasiib ugu soo baxay.

?Wiilkaygu subaxdii hore ayuu tegay goobta dabbaaldeggu ka dhacayey, kamaraduhuna wejigiisa ayey hayeen, maalintii oo dhanna xafladda ayuu fadhiyey,? ayey tidhi hooyo Emma.

Mrs. Emma Tufts oo ka sheekaynaysay hawlaha waxqabad ee wiilkeeda u qorshaysan markuu xilka maayarnimo la wareego, ayaa sheegtay inuu doonayo inuu lacag sadaqo ah ururiyo oo uu dadka danyarta ah ku caawiyo, magaalada Dorset-na ka dhisi doono hudheello caalamka soo jiita.

Q.w.sugulle mohamoud
Northland .Bodø
Norway.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s