War deg deg ah: gudoomiye ku-xigeenkii degmada wardhiigleey oo daqiiqado ka hor ladilay.

Wararka laga helaayo degmada War-dhiigley ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi kooxa hubeysan ay waqti yar ka hor toogteen iyaga oo dhaawacay laba kamid ah ilaaladiisa.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay ku waramayaan in kooxaha hubeysan ay si gaadma ah ku weerareen ayna ku guuleesteen in ay khaarijiyaan si dhaqas ah kadib markii ay ilaaladiisiina ay dhaawacya gaarsiiyeen.

Magaca gudoomiye ku-xigenka la khaarijiyay ayaa lagu sheegay Axmed, waxaana wararku intaa ku darayaan in uu ahaa oday tan iyo dowladii Maxamed Siyaad Barre soo ahaa gudoomiye ku-xigeen.

Goobta uu dilku ka dhacay waxaa gaaray ciidamda amaanka oo howl galka sameeyey inkasta oo aan la ogeyn in ay soo qabteen kooxihii dilka ka danbeeyay.
Si kastaba waa gudoomiye ku-xigeenkii labaad ee Muqdisho lagu khaarijiyointa lagu guda jiray bishaan Barakeysan ee Ramadaan , waxaana ka horeeyay haweeney degmada Yakhshiid gudoomiye ku-xigeen ka aheyd oo gurigeeda iridsiisa lagu dilay.

Q.W.Sugulle Mohamoud
Northland.Bodø
Norway.
Sugullexaajorag@gmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s