Nin u dhashay wadanka Norway oo maanta ku soo islaamay musaajid somalidu ku leedahay magaladda Bodø ee gobalka northland.

image

Waxaa maanta Ashahaadada loogu qabtay musaajid kuyaala magaaladda bodø nin norwayjiyaan ah oo ku soo qancay inuu galo diinta islaamka oo uu u arkay inay tahay diin xaqa.

Ninkan ayaa markii ashahaadad loo qabtay aad u farxay indhihiisa iyo wajigiisana aad ka dareemaysay farxada iyo wanaaga ku soo kordhah waxaa isla markiiba u hanbalyeeyay dadkii goobta joogay oo wada gacanqaaday xabadkana la wada galiyay.

Mar uu sigaara noogu waramayay ayaa waxa uu noo shegay in uu manta iyo shalay oo uu diintanta islaamka qaatay uu dareemayay farxad iyo rayrayn owalana uu ku jiray nolal aad u adag oo uu naftiisa nacay cidhiidhina uu daremi jiray iyo istarees joogto ah.

Alxamdulilaah ilaahay maanta waxa uu ninka ugu nimceeyay islaamnimo aan maanta wax qaalisan cidi haysan..waxaa waxyaalihi uu aadka ugu farxay kamid ahaa markii loo shegay maanta in isaga iyo ilmaha yari ay xaga ilaahay iskaga mid yihiin oo uu san wax danbiya lahayn waxa maanta ka danbeeyana wax khalad ah ee uu sameeyo loo qabanayo oo la qorayo .

Waxaa masjidka looga soo dhaweeyay dareen sare ah loona tusay walaaltimada islaamka isna uu aad ugu maqsuuday.
HALKAN MUUQAL YAR OO KOBAN KA DAAWO.

image

image

Q.w.Sugulle
Northland.Bodø

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s