Haweeney kirishtaan ah oo ka mid ahayd baadariyaasha waa weyn oo qaadatey diinta Islaamka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Haweeney kirishtaan ah oo ka mid ahayd baadariyaasha waa weyn ee ka howlgala Kaniisadaha magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay qaadatey diinta Islaamka .

Daawo Muuqaal Ahaan Haweeney kirishtaanka ahayd oo Muslimka Noqotay.

Haweeneydaan oo ka mid ahayd baadariyaasha waaweyn ee ka howlgalo kaniisadaha dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay qaadatey diinta Islaamka oo ay noqotey qof Muslim ah ka dib markii ay ogaatey wanaaga iyo cisaha ay leedahay diinta Islaamka, Haweeneydaan oo wanaaga diinta Islaamka la kulantay xilli ay la murugoonaysay dhimashada hooyadeed islamarkaana ay xiriir la samaysay wadaado muslimiin ah ayaa sheegtay inay noqotey oo ay qaadatey diinta islaamka ka dib markii uu arintaas ku hogaamiyey nabi ciise oo ay markii hore u rumaysnayd inuu yahay ilaah ay caabudo.

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaan aysan gebi ahaanba ka bixin diinta Kirishtaanka oo ay labada diimood is dhanac wado ayaa waxaa arintaas caro weyn ka muujiyey qolooyinka iyo madaxda Kaniisadaha oo sheegay inaysan suuro gal ahayn inuu ka sii shaqeeyo kaniisad qof qaatey diinta Muslimka islamarkaana aysan meel wada gali karin labadaas diimood, Haweeneydaan ayaa waxay hada tukadaa 5ta waqti ee Salaada iyadoona sidoo kale aan wali ka harin booqashadii kaniisada.

Q.w.sugulle mohamoud
Northland.Bodø
Norway
Sugullexaajorag1@gmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s