WAR CULUS: Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay Shirkadii ay Dowladda kula heshiisay Badda Somalia

Maamulka Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatey inaanu wax saameyn ah ku yeelan karin Biyaha Baddaha Maamulka Somaliland, heshiiska dhex maray Dawlada Soomaaliya kula  gashay baddeeda inay ku wareejiso shirkada ajanebiga ah ee la yiraahdo Atlantic Marin and Of Shore Group,isla markaana ugu baaqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland inay feejignaan gaara ka galaan sugida biyaha badda Somaliland.

Sidaa waxa uu ku sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumeysiga iyo khayraadka baddaha Maamulka Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo caawa u waramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Bahda Saxaafadda Somaliland.

Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) Ugu horeyn, Agaasimaha guud ee Wasaarada Kalluumeysiga iyo khayraadka Baddaha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo aan wax ka weydiinay heshiiska baddaha ee Dawlada Soomaaliya la gashay Shirkada Atlantic Marin And Of Shore inuu wax saameyn ah ku yeelan karo Biyaha Badda Somaliland, waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Waxaanu caddeynaynaa inaanay Somaliland wax saameyn ah ku yeelanayn,isla markaana aanu u sheegayno bulshada caalamka iyo shirkadda laftigeeda heshiiska ay la galeen qoladaasi ay tahay Soomaaliya oo ay iyaga u taallo, laakin Somaliland waxay masuul ka tahay xuduudeeda Baddeed iyo cireedba oo sugan, markaa wax saameyn ah oo heshiiska dawlada Soomaaliya la gashay shirkaasi  wax saameyn ah oo ay nagu yeelanayso ma jirto”

Agasime Ilkacase oo ka hadlayey Dakhliga ay lix biloodkii hore soo saartey waxa uu yiri  “Lix biloodkii hore ee tagay waxay wasaaradu dakhli soo saartey oo ay qabatey Wasaarada maaliyadu 100742 (Boqolkun todoba boqol iyo laba iyo afartan Dollar) oo ka soo xarooday sadexda gobol ee kala ah Saaxil, Salal iyo Sanaag waana dakhli ka soo xarooday Kalluumeyisga. Waxaan u baxnay safaro dibada oo aan ku tagnay waddamada Tunisia, Ethiopia, Jabuuti, iyo France intaas oo dal ee aan soo marnay waxaan kala hadalnay xidhiidhka Kalluumeysiga.Waxaanu qabanay todoba tababar oo aan u qabanay shaqaalahayaga iyo Kalluumeysatada waddanka, waxaanu u soo wareegnay dhismihii cusubaa ee wasaarada,waxaanu hagaajinaynaa xarumihii Wasaarada Kalluumeysiga ee gobolada dalka, waxa kale oo aanu wadnaa wacyigelintii Kalluumeysiga, waxa kale oo aanu wadnaa xidhiidhkii iyo mashaariic furistii, markaa meel fiican ayey wax noo marayaan. Markaa mashruuci dawladu balanqaaday ee ka mid ahaa mashaariicda horumarinta Kalluumeysiga ee sanadkan, hore ayaanu u bilaabaynaa”.

Md.Maxamed Ilkacase oo aanu weydiinay waxa u qorsheysan inta sanadkan ka hadhay ee ay doonayaan inay qabtaan waxa uu yiri  ”Markaa qorshahayaga inta sanadkan (2013) ka hadhay waxa weeyaan inaan dardargelino wax soo saarka waddanka, imika waxa lagu jira Bad xidhankii oo marka laga baxo bad xidhanka waxaan isleenahay Shirkadaheeni Kallumeysiga iyo Kalluun wax soo saarku waa inuu kor u kacaa,taasna waxa kor u qaadaysa mashaariicda Maamulka Somaliland laftigeeda, Baanka Adduunka iyo midowga Yurub-ba ay ku taageerayaan Kalluumeysatada iyo dawlada Turki-ga oo aan mashaariicdeedii sugeyno oo aan gacanta ku hayno. Markaa aanu waxaas oo dhan isku wada darno Kalluumeysigu aad ayuu u horu-marayaa. Waxa jira shirkado Kallumeysi oo aad iyo aad u wanaagsan oo guul-weyn ka soo hooyey Kalluumeysiga”.

“Ciidamada ilaalada Xeebaha Baddaha Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa inay galaan feejignaan dheeraad ah, oo ay baddeena ilaaliyaan, Maraakiibtii shisheeye ee baddaha Somaliland ka Kalluumeysan jirey waynu saarnay, laakin Yementa oo ah cadowga kowaad ee Somaliland leedahay oo Doonyo ay leeyihiin faro baas ku hayaan Kalluunka in culeys la saaro, isla markaana aanu xaqiijino shirkada dawlada Soomaaliya heshiiska Badda lagashay inaanay baddeena masuul ka noqon Karin”

Q/W. Mohamud ismail hashi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s