Mid ka mid ah wadaadada ugu caansan Soomaaliya oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inaaney ku ciidin tumasho iyo miyuusik.

IMG_F58425-6D4058-C82C5D-ABCA4B-999ECD-62FA4F

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida aadka loo yaqaano waqtigiisana inta badan ku bixiya waanada, wacdiga iyo wax u sheega umadda Soomaaliyeed ayaa umadda uga digay inay farxadda Ciida ku soo dhoweeyaan munkar iyo Miyuusik.

Waxa uu sheekhu sheegay in ciidu ay mudan tahay in lagu soo dhoweeyo farxad iyo in Ilaaheey subxaanuhu watacaalaa loo shukriyo ee aan intii la soo soomay aan xaaraan lagu afurin.

Sheekha oo hadalkan ku soo qoray bartiisa facebook ayaan qoraalkiisii sidii uu ahaa idiinkugu soo koobiyeynay ee halkaan hoose ka aqrista.

SUBXAANALLAHIYE MA XAARAAN BAAN KU AFURNAA?
Waxaa mar dhow la arkayaa ogeysiisyo lagu sheegayo (Xafladaha Ciida) oo isugu jira, heeso iyo music, qoob ka ciyaar, rag iyo dumar is dhex gala, dhalinyar gabdho iyo wiilal xafladahaa isugu yimaada, markii Muslinku uu ka soo baxay bishii barakaysnayd ee Soonka, miyaa Subxaanallaahiye xaaraan lagu afurinayaa?

Sow ma ahayn farxaddu in Ilaahay loo shukriyo Allaha na waafajiyey soonka, oo maalinta ciidda caruurta iyo reerka laga farxiyo, meelaha ciyaarta banaan caruurta la geeyo, qaraabada la booqdo ama guri laysugu yimaado, shaaha la wada cabbo, la is booqdo, laysugu hambalyeeyo cibaadada aan gudaney…

Ma in habeenkii la gudo, oo hoolal laysugu keeno rag iyo dumar Music iyo hees iyo sawaxan ka baxayo, oo laysku dhex daato, iyadoo dumarku ay xidhan yihiin dharkoodii ugu qurux badnaa, barafuunkuna ka tookhayo, wiilashuna sidoo kale, Subxaanallaahiye intaan bil soono miyaan xaaraan ku afurnaa? Maxaa ku dhacay Ummaddan Muslinkaa? Dadkan waxaan samaynayaa sow kuwii shalay soo qaxay maaha? Sow kuwii gaajada iyo xabbaddu layneysey maaha? Sow kuwa dalkoodu hubanayo maaha? Sow kuwa adduunku ku maadaysto maaha? Ma sidaas ayey ilaahay ugu shukrinayaan? Mise markii xoogaa la dhergey, nabad gelyana la helay, ayaa macsi lagu bedelayaa? Miyaaney ogayn Nebigu Calayhi salaatu wasalaam inuu sheegay dad saasa in iyagoo meeshaas ku jira la nasakhayo, oo caro kusoo degeyso?

Xafladaha noocaasa ma banaana in la qaban qaabiyo, ama la tago, ama lacag lagu bixiyo, ama meel laga kireeyo, ama gaari laga kireeyo, ama cunto loo kariyo, ama haba yaraatee waxba lagu darsado..

Waa in laga hortagaa, dadka wadana laga waaniyaa iney ilaahay ka baqaan, geeridu inaaney ugu iman iyaga oo Ummaddii Nebi Maxamed Calayhi Salaam Fasahaad ka dhex wada, waxaas oo dembiyana dusha u ridanaya? Waa in laga digo, magaalooyinka laga sheegana waa in laga hortago, oo laysu kaashado, lana yiraahdo: Xafladaha Fasahaadka noocaasa dooni meyno…

Q/W. Mohamud Ismail hashi

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s