Cabdi Ismaaciil Samatar oo Dhibaatada Kismaayo sheegay in ay iska kaashadeen Xassan Sheekh, Kenya iyo Axmed Madoobe.

 

images

Iyada oo magaalada Kismayo ay ka jireen dhibaatooyin xooggan oo cuuryaamiyay hanaanka geedi socdka nabada Soomaaliya, ayaa Pro Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacado ku yaalla dalka mareykanka waxa uu sheegay sida uu aaminsanyahay halka ay kasoo ifbaxday rabshada Kismaayo.

“Madaxweynaha dalka, Kenya iyo qolyaha ay gadaal ka riixeyso ayaa saldhig u ah dhibaatada ka taagan Juooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha qaladkiisu waxa uu yahay in uu maamulka Jubalnda in uu idb loo dhigo amar ku bixiyay hadana uu Hiraan tegay oo iyagna uu ku dhiiri gelyay in ay maamul sameestaan. Arntaas waxa ay rer Kismaayo ku abuurtay in arintu ay tahay fal qabiil salka ku haya”, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku waramay.

Waxa uu intaa ku daray, “Kuwaan Axmed Madoobe iyo Kenya iyana qaladka ugu weyn ayeey leeyihin. Kenya ayaa waxa ay dooneysaa in ay dhul Soomaaliyeed oo kheyraad ka buuxo ay iyadu mamulkeeda la waregto iyaga oo u maraya qoladaan af Soomaaliga ku hadlaya ee Axmed Madoobe ka mid yahay”.

Pro. Samatar ayaa waxa uu ku taliyay in Reer Kismaayo ay sameestaan maamul kamadax banaan dowlada Kenya maadaama Kismaayo aysan aheyn dhul Keenyaati leeyahay, isaga oo dhanka kalana dowlada Soomaaliy kula taliyay in ay sameyso wax ka duwan cadaadiska xooggan oo ay ku heyso maamulka Jibaland si loo helo wax ka wanaagsan is-jiijiidka o aan Somaali dan u aheyn.

 

Q/W. Mohamud ismail hashi

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s