Wasaarada Difaaca oo gashaanka u daruurtay eedeyn uu dusha uga tuuray wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Kariim Guuleed.

Wasaarada difaaca Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay been abuur ku tilmaamtay in sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed uu ka qeyb qaatay dagaalkii gobalka Sh/hoose xilli wasiirka arimaha guduhu uu maalmo ka hor baarlamaanka ka hor sheegay in sarkaal ciidan uu ahaa xudunta dagaalkaasi.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdi Xakiim Xaaji (Fiqi) oo markiisa maanta isna baarlamaanka hor tegay su’aalna laga weydiiyay arinta la xariirta dagaalkii Sh/hoose ayaa jawaabta su’aashaasi waxa uu u daayay oo markii horaba la socday taliyaha gaaska labad ee ciidanka qalabka sida, Cabdullahi Cagey, kaas oo sheegay in ragii dagaalkaasi ka danbeeyay ay ahaayeen maleshiyaad aan ka amar qaadan ciidanka dowlada aanna lagu tilmaami Karin ciidan qaran.

“Waxa ay ahaayeen maleeshiyaad ragii huriyay dagaalkaasi. Shaqo kuma laheyn ciidanka dowlada, waxaana cadeyneynaa in eedeymahaasi ay been abuur ahaayeen”, Cagey ayaa hoolka Baarlamaanka ka sheegay hadalkaasi.

Iska gedinta eedeymaha uga imaanayay wasaarada arimaha gudaha ayaa imaaneysa maalin uun kadib markii Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, uu baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in wasaarada gaashaan-dhiggu ay laheyd qaladka dagaalkii Sh/hoose maadaama sarkaal horay dhibaato gobalka uga geestay oo la doonayay in bedel lagu sameeyo ay ku dhex hayeen gobalka uuna abaabulay dagalkii lagu hoobtay.

Si kastaba, labada wasaaradood ee arimaga gudaha iyo difaaca oo ay heestaan laba nin oo aad isugu dhaw fikir ahaan marka la eego golaha wasiirada intooda kale ayaa waxaa dad badan is-weydiinayaan sababaha ay baarlamaanka hortiisa isugu jawaabayaan.

Q/W. Mohamud ismail hashi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s