MUQDISHO: Maxaad ka taqaanaa shaqada cusub ee ugu qatarta badan Magaalada Muqdisho?

Mogadishu_url-620x330

Canshuur uruurinta ayaa noqotay shaqada ugu qatarta iyo dhimashada badan ee magaalada Muqdisho, inkasta oo ay tahay shaqo aan xowli ku socon.

Shan qof oo canshuurta u ururinayey dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa illaa iyo hadda la dilay sanadkan, kadib 10 la dilay sanadkii tagay, sida uu sheegay agaasimaha golaha dowladda hoose ee Muqdisho Cabdullahi Cartan.

“Meelaha qaar haddii aad baxdo ayada oo aysan kula socon ciidamo ilaalo ah waxaad ku jirtaa halis xooggan” ayuu yiri Cali Xaaji oo ah canshuur ururiye.

“Qaar ka mid ah saaxiibadey ayaa la dilay, sababta oo ah shaqadooda…dad badan ma jecla shaqadan”ayuu sii raaciyey.

Dhibka kale ee ay wajahayaan canshuur uruuriyayaasha waxaa ka mid ah ka dhaadhiicinta shacabka inay canshuurta bixiyaan, waayo in yar oo ka mid ah ayaa un soo arkay nidaamka dowladeed.

Si looga qaado ganacstada cashuur, waxaa dowladda qasab ku ah inay kaxeysato rag hubeysan oo ku qasba ganacsatada in la xiri doono goobahooda ganacsi,

haddii aysan bixin canshuurta.

Waxaa taas ka daran lacagta oo tira badan, qiimana daran. Boqolkii dollar ayaa u dhigma in ka badan laba milyan oo shillin Soomaali ah, taasi oo qasbeysa in canshuur ururiyaasha ay qaataan jawaano badan, oo ay kula soo laabtaan lacag tira badan, balse qiimo yar.

Qaar ka mid ah ganacstaada ayaa ku dooda in ragga ururinaya canshuurta ay jeebkooda ku shubtaan oo aanay siin dowladda, sidaa darteedna aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan.

Si kastaba shaqada sugeysa dowladda Somaliya ee xagga canshuurta ayaa ah mid adag. Waa inay heshaa, rag la aamini karo, sugtaa amnigooda, kana dhaadhicisaa gacansatada inay bixiyaan canshuurta.

Q/W. Mohamud ismail hashi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s