Daawo Sawirada wadada isku xira Garoonka Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 oo Dhagxaan waa weyn bartanka loo dhigay

lam_10

Ciidamada AMISOM ayaa ku dhaqaaqay talaabo aan horey loo arag oo lagu xoojinayo amaanka wadada isku xirta garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ka dib markii wadadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaare badan geystay.

Wadadaas oo hadda ay ka socdaan howlo dayactir ah oo laami casri ah lagu saarayo, kuwaasoo ay wadaan heyadaha Turkiga ayaa ciidamada AMISOM waxay jidcade walba oo wadada labadeeda dhinac ka soo gala xaafadaha ku gooyeen dhagxaan waaweyn oo shub ah si aysan uga soo gudbin gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo dadka cagahooda maalaya.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaa laamiga u dhaxeeya Garoonka Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 waxa ay dhigeen dhagxaan waa weyn iyadoona ciidamada la arkayay in ay gaadiidka baarayaan kadibna ay gawaarida labada dhinac ee dhagxaanta u dhaxeysa marayaan,

Sidoo kale ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa bar Kontrol ka sameystay agagaarka halka boo yaqaano biyo dega oo ku dhow km4 iyagoo mid mid u baaraya gaadiidka wadadaas isticmaalaya ee doonaya iney Aadan garoonka Aadan cadde, waxaana halkaas ay noqotay albaabka kaliya ee gaadiidku ka geli karaan wadadaas.

Inkastoo aysan arintan weli ka hadlin saraakiisha AMISOM haddana waxay u muuqataa isku day ciidamada AMISOM ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka wadadaas si looga ilaaliyo gaadiidka geysanaya qaraxyada ismiidaaminta ah.

Wadada isku xirta garoonka Aadan cadde iyo Km4 ayaa waxay kala qeybisaa degmooyinka Waaberi iyo Wadajir, waxaana arintani ay caqabad cusub ku noqoneysaa heyaddaha dadweynaha degan xaafadaha hareeraha ka xiga wadadaas oo hadda iyo wixii ka dambeeya gaadiidka ay isticmaalaan uusan ka leexan Karin wadadaasi.

Wadada laamiga ah ee isku xirta Km4 iyo garoonka dayuuradaha ayaan hadda la heleynin meel looga leexdo labada dhinac marka laga reebo inaad toos u socoto.

Sanadkan oo kaliya ugu yaraan sadex weerar oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay wadadaas, kuwaasoo lala beegsaday xarunta heyadda UNDP, iyo gaadiid ay kala wateen ciidamada AMISOM iyo shaqaale ka tirsan heyada bisha Cas ee Turkiga, waxaana ku dhintay dad fara badan oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali, iyadoo masuuliyadooda ay sheegatay al-Shabaab.

Lama oga waxa talaabadan ay qaadeen ciidamada AMISOM ka bedeli doonto amniga wadada isku xirta garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyo KM4, iyadoo

Al-shabaab looga bartay iney mar walba la soo baxaan xeelado cusub oo ay weeraradooda ku fuliyaan.

 

Q/w. Mohamud ismail hashi,

lam_2lam_3lam_4lam_5lam_6lam_7lam_9lam_9

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s