Qaramada Midoobay oo sheegtay haddal ka careysiiyay Maamulka Somaliland. (Waa maxay hadalkaasi

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay Madaxweynaha dawladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka caawinayso sidii Somaliland loogu Qancin lahaa inay ka qayb gasho shirka Beljamka loogu qabanayo.

Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somalia Niklas Key, ayaa waxa uu Tilmaamay in Ujeedka Shirka uu yahay sidii Caalamka looga iibin lahaa Wanaaga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Soomaalida, Qaramada Midaabayna ay xooga saari doonto sidii Maamulka Somaliland looga qeyb galin lahaa Shirka Beljamka Ee Somaliya Iyaga oo Ag fadhiisanaaya Calanka Buluuga ee Somalia isla markaana muujinayaan in Somaliland ay Ogolaatay inay Hoostagto Somalia.

Mr Key, ayaa waxa uu dhanka kale, Sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xassan ay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa wax waliba oo carqaladeyn kara Arrimaha Somalia iyo Siyaasadda ay Somalia Caalamka wax uga heli laheyd, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Mr Key, ayaa waxa uu farta ku goday in lagama maarmaan ay tahay in Maamulka Somaliland uu Shirka Beljamka Ee Somaliya uga qeybgali Soomaali ahaan, iyagoona qaadanaayo Awaamirta ay fulineyso Xukuumadda iyo QM.

Ugu dambeyntii, Mr. Key iyo Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka wada hadlay Arrinta Somalia ayaa waxa ay sheegen in Maamulka Somaliland uu Shirka Beljamka Ee Somaliya uga qeyb gali doono Gobal hoostaga Somalia iyaga oona muujin doono dabacsanaan.

Q/W. mohamud ismail hashi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s