XOG SIR AH: Yusuf Garaad oo lagu Ogaaday Arrin la yaab ku noqotay Xukuumadda Somalia (Waa maxay Arrintaasi)

yuusuf-omar-garaadIllo Xog Ogaal oo ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa Shabakadda xaqiijiyay in Xukuumadda Somalia ay heshay Xog ku aadan in Yusuf Garaad uu qas ka daba wado Xukuumadda isaga oona adeegsanayo Hab beeleed. Yusuf Garaad, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Siyaasadiisu uu kusoo koobay inuu garab istaago Beesha uu ka soo jeedo, waxa ayna Xogta sheegeysaa inuu dabada ka riixaayo Yusu Indha Cadde oo iminka Ciiddamo ku dhow 300 ku dhex leh Magaalladda Muqdisho kuwaasoo qaabilsan qaska Magaalladda. Dhanka kale, Yusuf Garaad ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maalin waliba ku dhawaad Saddax Mar la hadlo Yusuf Indha Cadde, isagoona lagu eedeeyay inuu usii xuubsiibanaayo dib usoo celinta Colaadaha Somalia ka taagnaan jiray, waxaana lagu xasuustaa in xiligii uu BBC-da ka shaqeyn jira la safan jiray Beelaha uu kasoo jeedo. Yusuf Garad, ayaa waxaa la sheegayaa inuu gacanta kula jiro Howlo badan oo qalqal galin kara Ammaanka Magaalladda Muqdisho. Xog ay heshay Shabakadda ayaa sheegaya in Yusuf Garaad uu ku howlan yahay Arrimo farabadan oo aan mudneyn in iminka halkaani lagu soo bandhigo Walow Xukuumadda Somalia aya arrintaasi kor kala socto.

HALKAN KA DHAGAYSO MAQALKA

Ugu dambeyntii, Yusuf Garaad, ayaa waxaa laga helay Sir badan oo lid ku ah Xukuumadda Somalia, waxaana jira Shaqsiyaad ka tirsan Qaswadayaasha oo ay Xukuumaddu si gaar ah u daba dhigtay dad il gaar ah ku fiiriyo dhaqdhaqaaqooda.

Q/W. Mohamud ismail hashi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s