wpid-Xasan-Sheekh-Maxamuud.jpg

Waxaa markii ugu horeeysay lala yaabay soo noqoshada qabyaalada 23 sano oo dagaal sokeeye ah. waxaa wax lala yaabo noqotay in madaxweynaha iyo xisbigiisa damu-jadiid aanay marna dhiiran Karin in Somali u sheegaan in ay muqdisho kawada dhexeeyso, miyeey doonayaan in muqdisho noqoto magaalada madaxda soomaliya ?, miyanay ahayn in qoqobka ay horseed ka yihiin in qoloba meel aado . hadii arintu tahay muqdisho dad baa leh, soomalida kale miyaanay ahayn in ay yiraahdaan waxaa leenahay jubbaland, Puntland, Somaliland, baaylaad etc.

Waxaa Kale oo wax lala yaabo ah in beelaha muqdisho oo intooda badan ee qabiileeysigii ka dhamaanayo sanadahii la soo dhaaffay loo tumo durbaan qabiil laguna mideeyo in ay dagaalamaan. Maxaay ka helayaan madaxda Puntland iyo jubbaland in ay arintaas ku dhiiradaan oo dano gar ah moogiye aan laga dhaxleeyn qaranimo iyo dowlnimo midna. Durbaanka qabiilisteyaasha waxaa uu sideedii bilood ee dowlada jirtay gaaray meeshii ugu sareeysay. Waxaa la bilaabay in beelo soomaliyeed la abaabulo hab qabiil iyo reer hebel aan iska celino iyo dhaqaale iyo hub isu ururin. Qoqob iyo goboleeysi miyaanaay dowladu ahayn mid kaalmeeysay beleeysigaas hadii aanay diyaarin siyaasad looga hortago. Madaxweynihii hore SHARIIF SH AXMED ma ahayn nin lagu yaqaan qabiileeysi, inkasta oo uu hoosta wax badan ka waday oo ku saabsan beeshiisa hadana dadka ku wareegsan waxaa ay ahayeen soomaali kala nooc ah. Sidaas darteed si fiican uma aanay shaqeeyn durbaankii beeleeysiga ee waqtigiisii la bilaabmay jubbaland .

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sh. Maxamoud Gurguurte . Waxaa ummada soomaliyeed meel kasta oo ay joogtay ku soo dhaweeyeen hamblayo. Inkasta oo dad badani aaminsanaayeen in shaki badani ku jiray qofka uu yahay madaxweynenuhu. Kana shaki qabeen saaxiibo badan oo uu leeyahay in ay yihiin rag NGO ku naaxay intii dagaalka sokeeye socday, dhaqaalihii qaranka soomaliyeed loogu talo galay in ay wax ugu qabtaana doorasho ku galay, uuna wax la qaybsaday kuwii beeleeysiga ku naaxay iyo hay’ado shisheeye oo aan marna dooneeyn in somaliya cagaheeda ku istaagto. Miyeey kula tahay in Qatar , dubai iyo KSA Doonayaan in somaliya degto ?, waxaa markiiba cadaatay in uu madaxweynuhu aad ugu dhow yahay labo kooxood;

BeeldaajiyeYaasha Damu-jadiid 

waa qabiilisteyaal la yaqaan oo ku naaxay dagaal beeleedkii 23 sano ee la soo dhaafay, waxaa ay liqeen oo carabta uga adeegteen dhaqaaliihii waxbarashada ee somaliya , waxaa ay markiiba qaarkood hantiyeen kalsoonida ugu weeyn ee madaxweynaha , sida keenida RW Kana gaday madaxweynaha iyo raga kale ee beelaha soomaliyeed gaar ahaan kuwo muqdisho awooda la qabileeyo, raagaas waxaa lagu abaal mariyey in gaacantiisa ku qortay wasiirka uu doonayo, sida wasiirka arimahada Gudaha oo ay hoos yimaadaan , ciidana poliska , NNsta , waxaa ay magacawdeen wassiirka arimhada dibada uu dumaashi dhaw ah Foosiyo xaji aadan oo ah wasiirka arimaha dibada , waxaa oo kale oo uu hantiyey kalsoonida wasiirka Gaashaandhiga cadaalada, khayraadka iyo armaha bulshada.

Ragaan beeleeysiga isu urursaday waxaa ay ka shaqeeyyaan in ay dib u soo celiyeean dano beeleed hore loogu hungoobay, danaha beelo doonaya inaay xoog ku haaystaan xaaraantii soomaliya lagu bililiqeeystay 23 sano ka hor , kuwa kalana aay yihiin xisbi siyaasadeed diinta ay ku gabadaan oo doonaya inaay somaliya mar kale ka gadaan shabaab qarsoon oo dantooda beeleed fuliya tan ummada soomaliyeed ay galiyaan qaanad hoose.

Madaxweynuhu ma garan in tartan madaxweynenimo iyo maamul madaxwenenimo ay kala duwan yihiin loona baahan yahay inuu ummada oo dhan madaxwene u noqdo , waxaa uu noqday madaxweyne ku dhaca faraqa beelo dowlad diid ah dantoodana ay kala waynaatay tan ummada soomaliyeed.

Waxaa markiiba soo baxaday in isaga iyo latliyeyaashiisuba aad iskaga ilaaliyo aqoonyahanda, beelaha soomaliyeed qaarkood oo calaamada loo saaray, kaasoo uu markiiba cadeeyey kaligii taliye iyo inaanu ogolaan doonin RW wax la maamula oo uu doonayo mid hooskiisa hoos jooga dantiisa gaarkana iska raacda oo aan marna ka hor iman dantiisa shaqsi iyo mid beeleed intaba.. Waxaa arintaa u xilsaaray qabiilisteyaashii ku wareegsanaa waxaan ay somalida dhexdeeda ka raadiyeen, qof ku sifoobay “ Yes Man ?.Meel dheer looma doonin, waxaa Islamarkaana laga hubiyey Kuwii ku dhowaa, lagana saxiixay inaanuu marna ka hor iman doonin. Oo taasi xagee suurta gal ka tahay, maamulku waa “Gacalo waa gacmo is dhaafay “ ama wax afka qalaad lagu yiraahdo “ give and take “ . waxaa wasiirada midkood u suurto galisayey in uu kafiil ka yahay RW, oo waxa uu yiraahdo uu maqlo danta laga leeyahay waxaa ku soo ururtay ururkeena waxa uu rabo Waa inaan yeelaa oo ay beeli ku hoos qarsoon tahay.. Guushaas damu-jadiid waa gareen, ee maxaa xigay ?

Buuga madoow ee Sedexda Madaxweyne !

Hadii shariif laggula dagaalay in usha hal qof la heesto , waxaa yimid madaxeyne ay usha la heestaan labo nin oo kale , waxaa ay labada kale iyo Madaxweynaha xasan ka mideeysnaayaan in beelaha soomaliyeed qaarkood ugu qoran yihiin buuga madoow .. Beelaha Daarood in ay qabtaan hogaanka RW isagoo niyada ku haaya beelaha reer waqooyiga laakiin waxaanay suurta gal u ahayn maadaama intooda badan aanay rabin reer koofureedka, Waxaa qof walba la yaabtay meesha cadaawada madaxweynaha ay ka timid , waxaa la isku raacay inuu gacanta u galay qabiiliistayaal la yaqaan ( Hate mongers ) , oo aan aaminsaneeyn in wixii la soo maray labada dhinacaba lana iska cafiyo wixii la isku heeysatana la isu celiyo. Waxaa arintaas horseed ka noqday labada madaxweyne ku xigeen ee Faarax sh cabdiqaadir iyo Cabdikarim xuseen Guleed. oo noqday Madaxweynayaal garbo siman la ah madaxweynaha.

Wixii uurka ku jira afkaa xada , Waxaa uu yiri dadka leh waxbaa nagala dhacay waa nala dilay, kufsaday waxaa dhaafeeysa beri . waa yaabe yaa uu ula jeedaa , miyaanay ahayn wax ummada kala fogeeynaya arintaas .

beesha reer muqdisho waa u sacab tumeen maadaama aanu marna oran wixii la kala dhacay ha la isu celiyo ama cafiyo yaa qoray qudbadaas kulana taliyey inuu sidaas u hadlo. Waxaa taas ka sii darneed markii uu dhowr jeer ku celcliyey beelbaa ii Yimid dhaliilsan qaabkisa maamul iyo awood qaybsiga, waxaa ku dhahay kuwii la idiin bagaacabay maxaa ay idiin tareen,wax tarid miyeey arintu joogtaa mise awood qaybsi (power sharing ) waa wax loo baahan yahay maadaama aanay somaliya beeleeysi ka gudbin ( tribal-blind) inuu isku dayo siduu ugu dhayi lahaa waxaa ay tirsanayaan. Waxaa uu halkaas ka bilaabay in madaxtooyadu noqoto Hal beel iska daaye hal jufo leedahay ( Wacaysle) sidoo kalana uu saacid faarax garaad ku dhiirado in Xafiiska RW noqdo meel ay jufo u tuman tahay waa Reer Dalalka Ugaas diini. Miyaaneey soomali dowladnimo kalkaas ku seegin. Yaa ka masuul ah ?

Madaxweynuhu uma eka nin wax xalinaya waxaa uu ekaa nin faaanaya oo caasha cirka u taagaya ayuu yiri mid ka mid ah dadkii la kulmay. Miyaanay ahayn in madaxweynuhu uu god ugu dhacay qabiiliistayaal ee hawiye iyo daarood . waxaa dhiniciisa heelada durbaanka kor u qaaday Ina xuseen Guuleed, Ina sh. Cabdiqaadir, Jamaal guutaale, ina salad booy, Madaxeynaha walaakiis Cali Sh. Maxamuud iyo Walaakiis oo ku nool dalka Norway oo isagu ku sifoobay nin beelaysiga dowladnimo ( NEPOTISM) , waxaa uu qoray safiirkii cusbaa ee ingiriiska oo ay qaraabo yihiin , kadib markii la diidayna ka codsaday madaxweynaha inuu u magacaabo hal sano oo howlfuliye ah , la taliyeyaasha damu-jadiid oo beel kaliya isku urursatay, dhinaca kale ka tumaaya durbaanka qabiilka una yeelay wixii ay rabeen ( playing with their hands ) , sida Dr.. cabdiweli gaas, dr. Maxamed Cabdi Gaadhi, dr.Xasan abshir, faarax macalin,dr.Cali khaliif. Eng. faysal rooble,yusuf Xaaji, General Warsame Darwiish Waxaa wax lala yaabo noqotay inuu dib u mideeyo beelaha daarood oo dhan maadaama uu cadeeyey inaanu rabin qof ay iyagu keenasadaan ama somalida dhexdooda magaca ku leh inuu maamulkiisa ka qayb galiyo.

Awooda dowladnimo ma ahan waxa uu madaxweynuhu rabo ee kaliya ee waxa ummadanu raali kuwada noqon karto qaranka howshiisuna lagu qaban karo. Xusuuso madaxweynaha keeynaya M.Kibaki oo kikuya ah waxaa dad ugu necbaa RW la shaqeeyey ee Odinaga waxaana uu ogolaaday in ay awooda qabsadaan meedaama ay beelo kala duwan ka soo jeedan si danta wadanka ee awood qaybsiga loo gaaro hore loo socdo xalka aamuuraha qaranka . Madaxweynuhu waxaa u baahan yahay Rag iyo dumar way wada shaqeeyn karaan, qilaafkoodana ku xalin kara wadashaqeeyn iyo isu tanaasul ee uma baahna qof isaga hoos joogta oo aan maya oran karin ..

Amaankii oo faraha ka baxay.

Tan iyo maalintii la doortay madaxweynaha wax hore u mar oo la sameeyey dhinaca amaanka ma jiraan, cidamada afrikaanka halkii ayeey ku joojiyeen duulaankiii joogtada ahaa iyagoo mushaarkooda iska urursada, ragii lagu yiqiin wiiqida shabaab waxaa laga dhigay hawl-gab. Mushaarkii ciidanka waxaa la yiri lama haayo, raashinkii loogu talo galay waxaa lagu iibiyaa suuqa bakaaraha, kadib marka laga soo qaado maqaasiinka dowlada. Taliyeyaal warkooda iska daa dagaale waxaa iskaga qayilaan magaalada muqdisho. Taliyihii cusbaa ee ciidanka waxaa ay ka joogtaa yaab iyo afkalqaad waayo markii ay arkeen in meesha waxa ka socda iyo beeleeysigii ay 23 sano ka hor diideen. Hada ma yeelayaan in ay qayb ka noqdaan dagaal qabiil ka liita oo diin iyo beeleeysi is huwan ah.

Waxaa muuqata in hay’adihii amaanka howshoodii gabeen taasoo loo uu madaxweynuhu masuuliyadeeda leeyahay, kadib markii uu hal mar shaqada ka wada eryey, taliyeyaashii ciidanka militariga iyo ku xigeenkiisii, General Cabdiqaadir sh cali diini iyo abanduulihii Gen. Cabdikarim dhegabadan, taliyihii ciidanka sirta AMB. Axmed Macain fiqi iyo labadiisii ku xigeen oo wax ay geeysteen aan la arag marka laga reebo inuu naftiisa uga baqay awoodooda. Waxaa taas ka sii dareeyd inuu ragaas musuuliyda sare haayey wadanka aan lagu meelyenin hay’ad kale ama shaqo kale. Taasi miyaaneey niyad jab ku ahayn kuwa hada xilka haya oo hadii laga qaado suuqada lagu dayn doono iyagoo ciidan la’aan aan magaalada joogi Karin awood dhaqaalna lahayn ay ku marsuufaan ciidan beeleed .

Hassan sh maxamuud waxaa uu noqday nin siyaasada ku hor kufay ha yeeshee waxaa uu heeystaa waqti badan oo uu ku sixi karo khalkhalka siyaasadeed ee la soo gubboonaaday, wax badan daacad ayuu ahaa, laakiin waxaa galay qalooc siyasadeed oo salka ku heeysa aqoon la’aan, iyo karti xumo , iyo cuqdada uu ka qabo aqoon yahan iyo dadka uusan aqaoon. Waxaa uu si waali ah u aaminay kuwa dadka ugu dhow-dhow ee ku guuleeystay in la doorto laakiin ku guul dareeystay inaay waxmaamulaan ay baadi goob u galaan ummada kartida iyo hufnaan u saaxiibka ah , oo ay la shaqayn karaan. markaan way muuqataa in ay darbiga soo hertiyeen,laakiin suaashu waxaa ay tahay waxa ma ku qaadanyaan, waad aragtaan xiriirka sii xumanya ee wadamda dariska ah , ka beelaha iyo guuxa siyaadadeed oo aan la qarin Karin ka muuqato , shacabka niyada jabay ee aamus ku jawaabay, hadii aan laga hortagin lana dhayalsado keeni doonta in dowlada soomaliyeed lagu kala tago, shacabka , ciidanka ee beelaha uu isku halaynayeena ay noqdaan kuwo firxad siyasadeed u kala dhaqaaqa.

Timirtii hore dab loo waa !

Maalmahan bishaan luulyo Waxaa madaxeynaha u cadaatay inaan fikirkii dowladnimo damu-jadiid aanay shaqeeyneeyn, waxaa u bandhigay kooxdiisii damu-jadiid in ay talo keenaan , waxaa uu soo bandhigay sida la isla dhexmaryo inuu isbedel weeyn soo wado . maadaama damau-jadiid awooda hore u ururusadeen, waxaa ay ka hor yimaadeen rabitaankiisii is bedel markii labaad , damu-jadiid waxaa goaan lagu qaatay inaan dowlada la bedelin , ha yeeyshee la kordhiyo ilaa 20 wasiir kuwaas oo noqon doona , kuwo dam-jadiid ah iyo kuwo kafiil laga yahay iyo xoogaa dariska ku xiran, waxaa rag iyo dumar tira yar soo jeediyeen in dowlad oo saacid Faarax Garaad hogaamiyo aanay ka shaqeeyneeyn somaliya , isla markaasna caano daatay waa la daba qabtaaye inta goori goor tahay loo howl-galo isbdel siyaasadeed oo lagu soo dhaweeynayo mucaaradka , dhexdheexaadka iyo bulshada rayadka ah , caweenka iyo qurbajoogta. Waxaa arintaas gaashanka u daruuray dam-jadiid intooda badan. Hada oo aan maqaalkan qorayo madaxweynuhu waxaa uu qaatay goaankii qar iska tuurkii labaad ee damu-jadiid tasoo laga yaabo in ay dhaxalsiiso dowlad shabaab marba dhinac usu ceeyrsado , goboladii dalkuna ay noqdaan meel ay beelo ku hardamaan .. bal u fiirso meesha uu xasan sh maxamuud Somali dhigi doono sedexda sano ee soo socota hadii aan isbedelin lagu qasbin .miyaanay wax ku qaadan siyaasadii hungoowday ee saaxiibkii masar ee Mohamed Morsi.

Q/W. Mohamud ismail hashi

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s