Gen. Fartaag iyo Col. Barre Hiiraale oo Hanjabaado kul kulul isu diray iyo Xaalladda oo cakiran. (Warbixin)

Barre-Adan-Shire

Iyadoo ay Magaalladda Kismaayo ka jiraan Siyaasado is diidan, ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe Gen. Fartaag Hanjabaado kulul u diray Mucaaradka weyn Col. Barre Hiiraale oo isaga iyo Ciiddankiisa ay iminka ku sugan yihiin duleedka Magaalladda Kismaayo.

Gen. Fartaag, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qadka Telka uu ugu hanjabay Aabaha Mucaaradka Jubbaland Col. Barre Hiiraale, isagoona ku wargaliyay in mar labaad ay ku soo wajahan tahay weeraro cirka iyo badda ah, sida laga soo warinaayo Magaalladda Kismaayo.

Gen. Fartaag, ayaa waxa uu sidoo kale, Col. Barre uga digay inuu Ciiddamadiisu soo galsho gudaha Magaalladda Kismaayo, waxa uuna sidoo kale Tilmaamay in looga baahan yahay inuu isu soo dhiibo Maamulka hayeeshee uu arrinkaasi Gen. Fartaag ku fashilmay .

Dhinaca kale, Col. Barre Hiiraale, ayaa dhankiisa laga soo warinayaa inuu ku hanjabay in Ciiddamadiisu ay aar goosan doonaan Weerarkii loogu geystay duleedka Magaalladda Kismaayo, isagoona Gen. Fartaag ku wargaliyay inay adkeyaan Ammaanka Magaalladda Kismaayo weeraro dhankiisa kaga soo wajahan awgeed.

Xaaladda Magaalladda Kismaayo, ayaa muddo Afar bil iska ah mid calawsan, waxaana marba marka xigta ku hardamaaya qolooyin isaga soo horjeedo Siyaasadaha ka taagan Kismaayo.

Ma cadda halka ay caga dhigan doonto Hanjabaadaha ay isu adeegsanayaan Gen. Fartaag iyo Col. Barre Hiiraale, waxaana laga cabsi qabaa in Ciiddamomo dhawaan daacad u ah Barre oo galay Kismaayo, ay weeraro ka geystaan Kismaayo.

Q/W, ( Mohamud ismail hashi)

Email : (Mxashi1@hotmail.com )

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s