FAALLO : Hadi maamul yimaado kama maarmo mucaarad.

Waxaa mahad dhamaanteed u sugnaatay ilaahay ( SWT ) mahadcelinta rabbi ka dib waxaan umadda reer khaatumo iyo dhamaan akhristayaasha shabakadaha deegaankaas leeyahay ramadaan kariim. Hadaba waxa aan doonaya inaan bulshadayda la qaybsado qoraal kooban oo aan kaga hadlayo dhawr arimood.
Arinta koowaad : waxa bar yahanba meelaha ay bulshadu wararka isugu tebiso sida shabakadaha iyo wax yaalaha la mid ah laga daalacanayay qoraalo ku saabsan maamulka khaatumo iyo aragtida ay ka qabaan dadka deegaanadaas qaarkood, haday tahay mid mucaarad iyo mid muxaafidba.
Hadaba hadi aan arintan hoos ugu daadago waxa anigu aan odhan kara waxa deegaanadaa hadheeyay khalkhlal siyaasadeed kaas oo kaliifay inay bulshada dagani kala saari kari waydo qofka mucaaradka ah iyo qofka danbiilaha ah.
Inta aanan sharixin waxa ay ku kala duwan yihiin mucaarad iyo danbiile waxa aan ka horaysiinaya si aynu isula fahano waxa loo yaqaan maamul meel ka taliya.
Maamulku waxa weeyaan wax ay dad ama ummad is ogol samaysato kuna heshiiso inay dantooda ku ilaashadaan sida midnimada, nabadgalyada, deegaanka, wada noolaanshaha, xidhiidhka iyo wixi la midka ah. Hadaba waxaynu og nahay mar hadi maamul la helay ama la sameeyay inay lagama maar maan tahay in la helo mucaarad , muxaafid iyo danbiile saddexdaba. Waxaan filaya inaynu ka dharagsanahay waxa loo yaqaan muxaafid oo ah cida taabacsan maamulka jira balse waxaan sharaxaad kooban ka bixinaya labada shay ee kala ah mucaarad iyo danbiile oo jahwareer ba’ an ku haya bulshada deegaanadaas.
MUCAARAD : mucaaradnimada marka macnaha guud laga yimaado waxa aynu u kala qaadi karna labo nooc oo wax aan badnayn ku kala duwan.
1.    nooca koowad waxa uu noqon kara in qofkaasi uu taageersan yahay magaca guud ee maamulka marka jira balse aanu taageersanayn dhismaha maamulka iyo fulinta hawl qabadkiisa.
2.    nooca labaad hadi magaca guud iyo maamulka marka la sameeyay oo aanu ahayn maamulku mid waqti dheer soo jiray isbadal badana soo maray waxa uu noqon kara qofkaasi inaanu taageersanayn magaca iyo dhismaha maamulka midna balse uu diyaar u yahay ama doonayo waxa hada jira in isbadal lagu sameeyo heerkay doontaba ha noqote.
DANBIILE : waxa laga yaaba hadaynu eegno macnaha guud ee erayga in la helayo wax yaalo badan oo soo hoos galaya marka loo eego habka maamul iyo nidaamka dawliga, waxaynuse inagu u baahanahay inagana qancin kara ujeedka qormadeena waa halmid oo kliya waana kan.
1.    hadi qof u dhashay deegaanka maamulka iyo nidaamka loo sameeyay, maamulkaasina yahay mid laysku raacsan yahay si buuxdana u doorteen dadka deegaankaasi inta uu tago ama horaba haw maqnaade soo kaxaysto soona raaco cid aan deegaanka u dhalan isaga oo sheeganaya inu maamul yahay iclaaminayana ama kuba jira  dagaal ka dhan ah maamulkan dadku samaysteen waxa uu qofkaasi noqonaya danbiile waxa uuna yeelanaya xukun iyo ciqaab la waafajinayo shuruuc loo dajiyay intay doontaba ha leekaate.
Hadaba waxa aan leeyahay aniga oo soo koobaya nuxurka qodobadan bulshawaynta deegaankaasna u sheegaya in lakala fahmo mucarad iyo danbiile lana tix galiyo cid kasta oo buuxinaysa shuruudaha mucaaradnimada laguna tix galiyo mawqifka iyo aragtida ay qabto taas oo aan anigu aamin sanahay in lagu gaadhayo guul iyo sixitaan wax kasta oo qaloocdaba, waxaana haboon in la ogaado hadaan la helin toosin iyo dhaliil inaan la helayn waxa loo baahan yahay iyo rabitaanka ummada. Waxa hadaba lays waydin kara oo aan ku daraya qofkan wax dhaliilaya se lagu garanaya inu yahay mucaarad iyo inu yahay danbiilihi aad sheegaysay, waxa aan leeyahay waxa lagu kala garanaya marka an leeyahay qofka mucaaradka ah waa in laga hela hal shuruud taas oo ah inu qofkaasi uu aaminsanahay hadalkiisana ku jirto wax u khaas ah dadka deegaanadaas, hadiise uu ku lamaan yahay meel ka baxsan deegaanadaas waxa la siinaya aragtida aan qabo danbiile waxa uuna yeelanaya xukun u gaara.
Arinta labaad warbaahinta deegaanadaas : sida aynu og nahay warbaahintu waa waxa kaliya ee ummadi meel ay joogtaba kala socoto xidhiidhka waxa ka jira deegaankooda ama meel kasta oo caalamka ka mida.  Hadaba anigu waxaan odhan kara waxa maanta heerkaas gaadhsiinayay dadka ku nool deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa kow ka ah warbaahinta oo loo isticmaalo intooda badan si lid ku ah horumarka iyo xasiloodina bulshada, waxa anaan kula talinaya guud ahaan warbaahinta in ay ka waantoobaan wax yaabaha khaldan ee ay ka gudbinayaan ummadooda iyo deegaankooda niyad jabkana ku ah cid kasta oo daalacata taas oo aan cadaw mooyaane cid kale faa’iido ugu jirin, sida waxa ay ugu yeedhaan goosasho taas o aad moodo in qaarkood ay kasoo galaan dhaqaalo balan qaad ku fadhiya balse aanan cadayn karin waqti xaadirkan, waxaanan leeyahay waa in loo jeesta midaynta iyo aamin sanaanta hal fikir kaas oo xambaarsan danta iyo horumarka bulshada iyo deegaanadooda.
Ugu danbaynti aniga oo soo koobay nuxurka qormadan balse aan ugu tala galay uun inaan fahan guud ka bixiyo oo aan tafaasiir dheer  guda galin aanse rajaynayo hadi ilaahay idmo inaan wixi lagama maar maan ah waqti kale ku bixiyo yaga oo intan ka faah faahsan. Waxa aan hada kusoo gunaanadaya intaas ee ka bogasho wacan. Waxaanan idin leeyahay waa bil ramadaane alle ajarkeeda hayna waafajiyo danbigeena iyo danbiga waalidkeena ha dhaafo, waxaan kale oo idin leeyahay mar kasta ha lagu dadaalo wadajirka, wax is waydiinta iyo wax kala qaadashada taas ayaana lagu gaadhi kara horumar bashbash iyo barwaaqo. WABILAAHI TAWFIIQ

My. Maxamed Axmed Maxamed(Hurre)

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s