Dowlada Soomaaliya oo si layaab leh uga jawaabtay warbixintii monitoring group ay dhawaan kasoo saartay madaxda qaranka.

La taliyaha madaxweynaha Soomaaliya, Eng. Cabdi Raxmaan Yariisoow, ayaa waxa uu maanta saxaafada kula hadlay qasriga looga arimiyo dalka Soomaaliya isaga oo daaha ka rogay in dowladu ay u aragto been abuur ah oo aan waxba ka jirin aanna laga soo xigan ilo sax ah, warbixintii dhawaan monitoring group ay kasoo saartay madaxda dowlada ugu sareysa.

Eng. Cabdi Raxmaan Yariisoow ayaa yiri, “Dowlada Soomaaliya waxa ay shaacineysa in aysan waxba ka jirin eedeyntii dhawaan loo soo jeediyay ee aheyd in ay Musuq ku leedahay”.

Waxa uu intaa ku daray, “Dowladu waxa ay codsaneysaa in la sameeyo gudi dhex dhexaadin oo war-bixinada nuucaan oo kale kahor inta aan lasoo shaacin usoo ban-dhiga dowlada Soomaaliya si ay u qirato hadii uu jiro danbiga lagu heesto hadii uu been abuur yahayna loo hakiyo”.

Yariisoow ayaa waxa uu ku cel-celiyay in war-bixinada nuucaan oo kale ah ay dhibaata ku yihiin horumarka dowalda Soomaaliya ee heysata aqoonsiga caalamka dooneysana in ay ku talaabsato horumar dhinac waliba ah.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxayay war-bixinna is-daba joog ah oo kooxda Monitoring group ee u xilsaaran la socodka cuna qabateynta Eretria iyo Soomaaliya ay soo saarayeen taas oo muujineysa musuq maasuq baahsan.

 

Q/w, Mohamud ismail hashi

Oslo Norway

Mxashi1@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s