Aqri magacyada Rag loo toogtay dil ay horay ugu geesteen Sheekh Caan ah xilli uu salaad dukanayay

Xarunta maamulka Puntiland ee Garowe ayaa maanta waxaa lagu toogtay kadib markii maxkamadi xukuntay rag loo heestay dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo la dilay xilli uu u taagnaa Salaad Casir.

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa la dilay bilaawgii sanadkaan gaar ahaan 15-kii February iyada oo dad fara badan arintiisa loo qabtay kuwaas oo qaarkood uu ku dhacay xukun dil ah kadib markii la helay cadeyma muujinaya kulug lahaanshaha falka wuxashnimada lahaa ee sheekha lagu toogtay.

Raga maanta la qisaasay oo tiradooda lagu sheegay labo ayaa dhawaan waxaa maxkamada Garoowe ay dul dhigtay xukun dil ah kadib markii in badan baaritaan lagu hayay.

Laba nin ayaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Jaamac Bile oo ahaa ninkii geestey toogashada Sheekha iyo Cabdullaahi Cismaan Axmad(Caynte) oo isaguna ay ku cadaatey in uu qeyb muhiim ka ahaa dilkii sheekha.

Khaarijinta labadaan ruux ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dhamaan ehelada Sheekha oo ku tilmaamay in uu ahaa mid cadaalada loo cuskaday.

 

Q/W, Mohamud ismail hashi

Oslo Norway

Mxashi1@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s