Xukuumadda oo heegan kii ugu darnaa galisay Ciiddamadeeda. (Warbixin Muhiim ah).

Ciidamada ilaalada ka ah goobaha ay Dowladu xafiisyada ku leedahay ayaa waxaa lagaliyay heegan buuxa oo aan horay loogu arki jirin goobaha Dowlada ay dagantahay.

Ciidamo aad u badan ayaa hortuban Xafiis walbo oo la xiiriira kuwa Dowlada ama ay ka howl-galaan Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Hotelada ay Moqdisho ka dagan yihiin qaar katirsan Wasiirada iyo kuwa ugu badan ee Hotelada daga oo ah Baarlamaanka Soomaaliyeed oo aan iyagu qaarkood aysan heli karin wax ay siiyaan Ciidamo sigaara u ilaaliya, Hoteladaasi ayaa si gaara iyagana heegan buuxa galiyay Ciidamadooda.

Ma’aha kaliya Xafiisyada iyo Hotelada xitaa bishan Barakeysan waxaa heegan ku jira guryaha ay muqdisho ka dagan yihiin Saraakiisha Ciidamada, Gudoomiyaasha Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo shaqaalaha ka shaqeeya Xifiisyada Dowlada.

Goobahaan ayaa iyagu waxa ay yihiin kuwo aad ugu taxadarayo iney dhibaato kasoo gaarto Qaraxyada isnidaaminta ah oo ay soo qaadaan mar walba Kooxda Xarakada Al-Shabaabul Mujaahidiin oo iyagu aan la dhacsaneen qaabka ay Dowlada u wado shaqooyinka.

Marka aad dooneysid inaad soo booqato qof Ehelkaa ah oo ku jira Xabsiga Dhexe ee Gobolka banaadir ayaanu aysan suura gal kuu noqoneyn inaad lakulanto, xitaa ahaw Sarkaal sare, Caafimaad oo caana oo doonaya inuu maxaabiista daweeyo ama Wariye la yaqaano marnaba Masuuragaleyso inaad gudaha ugasho Xabsigaasi, ma aha kaliya xabsiga oo qura halka dadka loo diidayo waxaa iyana jira xafiisyo u shaqeeyo dad weynaha oo iyagu aadan gali karin .

Waxaa jira xafiisyo badan oo si aada loo ilaaliyo aana bulshada wax u qaban, bishan ramadaana wey kasii dareen oo waxa ay sameesteen qalcado waa weyn iyo ciidan aad u badan.

Heeganka la galinayo Ciidamada ka howlga xafiisyada dowlada ayaa imaanaya xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaanka oo kooxda Xarakada Shabaabul mujaahidiin looga bartay iney weeraro kusoo qaadaan Xafiisyada dowlada soomaaliya.

Iyadoo sidaan heegan loo galinayo Ciidamada waardiyayaasha ka ah Xafiisyada dowlada ayaa hadana waxaa maalin walbadhacda weeraro ay soo qaado kooxda Xarakada Shabaabul mujaahidiin haba ugu darnaatee bishan barakeysan ee ramadaanka.

WQ: mohamud ismail hashi  }

Xafiiska . warsugansomaliya.wordpress.com

OSLO Norway

mxashi1@hotmail.com

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s