Soomaalida ku nool wadamada reer Yurub oo dhibaato weyn ku qaba saacadaha badan ee soonka!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Soomaalida ku nool wadamada reer Yurub ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan saacadaha badan ee soonka taas oo keentay inay culumida qaar ay soo jeediyeen in lala sooma xaramka ee dalka Sacudiga.

Daawo Muuqaal ahaan Wadaad Sheegay In Lala Soomo xaramka ee dalka Sacudiga

Soomaalida ku sugan waqooyiga dalka Norway ayaa waxaa la sheegay inay culumadu u fidyootay inay la soomaan dalka Sacuudi Carabiya maadaama aysan suuro gal ahayn inay ku soomaan daruufta ay ku sugan yihiin taas oo ka dhigan inay Soomanaadaan waqti ka badan ilaa iyo 20 saacadood islamarkaana ay heystaan oo qura dhowr saacadood inay ku afuraan ku saxuurtaan kuna tugadaan salaadaha, Maqrib, cishe iyo taraawiix arintaas oo ah mid run ahaantii aad iyo aad u adag, Hadaba culumo Soomaaliyeed oo booqatey deegaanadaas ayaa waxay go’aamiyeen in Soomaalida ku nool dalka Norway ay la soomaan dalka Sacuudiga oo ayna la afuraan dalkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo masalada ku saabsan arinta ay ku dhaqaaqeen culumada Soomaaliyeed ee u fasaxay daka Soomaalida inay u soomaan sidoo ay ku nool yihiin dalka Sacuudiga taas oo ka dhigan inay qoraxda oo soo taagan ay wax cuni karaan ayaa waxay tahay mid uu in mudo ahba uu ka taagnaa muran iyo is qab qabsi iyadoona ay culumada qaar ay diideen arintaas oo ayna ku sheegeen inay tahay in lagu sooma meel walba oo aad joogto qoraxda taas oo macnaheedu yahay in la afuro marka ay qoraxdu dhacdo waqtigii ay doonto ha noqotee, Sanadkaan ayaa waxaa uu yahay mid uu soonku ku adag yahay Soomaali badan oo ku nool wadamada Yurub maadaama uu ramadaanku ku soo aaday sanadkii xiligii xagaaaga taas oo macnaheedu yahay qorax kulul iyo waqtiga maalinta ah oo aad iyoi aad u dheer iyo habeenkii oo gaaban.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s