Sheekh Xasan Daahir Aweys oo afkiisa isku xiraya & Dowlada oo markii sadexaad ku wareersan (Akhri Hanjabaad cusub)

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xarunta nabadsugida Dowlada oo uu ku xiran yahay hogaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islam balse dhawaan ka soo goostay maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in kiiska Sheekhaan uu yeeshay waji cusub.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay in afkiisa laga hayo sidatan ” Hadii la i masaafuriyo oo dal kale la ii dhoofiyo waan ka soo laaban doonaa waxaana balan ah inaan la dagaalami doono ciidamada AMISOM ee gudaha Somalia ku sugan iyo ururka Al Shabaab oo Shareecada Islaamka ka been sheegay ”

Hadalka cusub ee hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu si weeyn uga xanaajiyay Nabadoonada beesha Habar Gidir oo qarka u saarnaa sii deeynta wadaad-kaan lagu wareersan yahay balse waxa uu hadalkaan mar marsiiyo u nooqday ciidamada Nabadsugida Dowlada oo sheegay inaysan sii deeyn doonin nin dambiile dagaal ah oo hadane Dagaal cusub ku hanjabaya .

Qaar ka mid ah laamaha Sirdoonka Dowlada ayaa waxa ay qabaan in caafimaad ahaan Sheekh Xasan Daahir Aweys uusan wanaagsaneeyn maadaama maalin kasta afkiisa laga hayo hadalo is burinayo oo aanan horay looga baran inkastoo Sheekhaan dhanka kale uu yahay qof weyn oo waayeel ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shegay in Xasan Daahir yahay qof Soomaali ah oo ka tirsanaa Al-shabaab haatana gacanta ugu jira dowlada, wuxuu intaa ku daray in Xasan Daahir aan bulshada lagu sii dhex deyn Karin sababo la xiriira ayuu yiri isagoo weli aminsan fekerka Al-shabaab ee ahaa iney dowladu tahay gaalo mudan in lala dagaalamo.

Q.w.Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s