Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Villa somalia ee magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka u sheegay in looga fadhiyo soo nooleynta heybaddii iyo sharafkii ciidan Qaran iyo sidii wadashaqeyn dhaw ula-yeelan lahaayeen shacabka si kalsoonidoodu loo kasbado.

“Waxaad ogaataan in ciidanka iyo saraakiisha waxqabadkoodu lagu cabiri doono hadba sida shacabku ay idin ammaanaan taasi ayaana sax ah, amniguna waxa uu ku imaan karaa lashaqeynta shacabka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyanaha ayaa yiri “Caalamku hal sano ayuu Soomaaliya tijaabo geliyay dhanka cuna-qabateynta hubka, marka waxaan saraakiishiina idin sheegayaa in hubka uusan gacmihiina ka bixin.

Ugu dambeeyntii Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa balan-qaaday in ciidamadda iyo saraakiishuba si joogta ah u heli doonaan mushaaraadka isla-markaana muhiimada koowaad la siin doono sidii dhaqaalaha soo gala Dowladda loogu dabooli lahaa baahiyaha Ciidamadda.

Q.W.Sugulle Mohamoud

Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s