Daawo Sawirada Qarax Xoogan oo maanta Magaalada Kismaayo lagula eegtay Ciidamo katirsan AMISOM.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan ciidamada kasocda Dowlada Sierra Leone ee kusugan Magaalada Kismaayo.

Qaraxa Miino ee lala eegtay Ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaas ay marayeen kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM sida dad goob joogayaal ah ku warameen.

Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa furay rasaas iyadoona lasoo warinayo Rasaasta iyo Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM ay ka dhasheen Dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca ruux kale iyadoona aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha Ciidamada AMISOM gaaray.

Ma ahan markii ugu horeeyay oo Qarax Magaalada Kismaayo lagula eegto Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda Dowlada Sierra Leone ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika , waxaana marar kala duwan Ciidamadan kismaayo lagula eegtay Qaraxyo aan Qasaarooyinkooda la cadeyn.

qarax_kisma_3 qarax_kisma_1 qarax_kisma_5

Q:W.Sugulle Mhamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s