Samafalayaashii MSF ee afduubka logu heystey Soomaaliya oo maantey gaaray Spain

War kasoo baxay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa lugu caddeyey in ay dib xoriyadoodi u heleen
muwaadiniin u dhashay wadanka Spain,kuwaasi oo in muddo labo sano ah ku afduubnaa gudaha dalka Soomaaliya.
Labo qof oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn oo shalay la sii daayay ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain sida lugu sheegey war saxaafadeed kasoo baxay hay’adda,labadaan qof ayaa lugu kala magaacaba Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut waxana ay u dhashay dalka Spain.
Labadaan ruux ayaa muddo ku jirey gacanta kooxo hubeysan oo Soomaali ah kuwaaso kasoo afduubay xerada qaxootiga IFO 2 oo ku taalla Dhadhaab oo ah gobolka Waqooyi-bari Kenya 13-kii bishii October ee sanadkii 2011.
Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo u dhashay dalka Spain ayaa diyaarad milateri waxay ka qaadday dalka Jabuuti, waxaana laga dejiyay garoon milateri oo ku yaalla meel u dhow magaalada Madrid ee caasimada dalka ay kasoo jeedaan ee Spain.
Xiligii ay gaaren magaalada Madrid ayaa waxaa warbaahinta lahadley madaxda hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayd Jose Antonio Bastos waxana uu sheegay in ay wanaagsan tahay xaaladdooda caafimaad, laakiin ma uusan faahfaahin sida ay ku gaareen dalka Jabuuti iyo qaabka loo agaasimay sii deyntooda.
Jose Antonio Bastos madaxda hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayd ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sheegey inuu ad ugu faraxsan yahay inay markale arkaan shaqaalahooda oo muddo ku afdubna Soomaaliya.
Ma ahaa markii ugu horeysey oo sidaan oo kale gacanta kooxo Soomaali ah ay ka baxaan shaqaale katirsan hay’addaha gar garka ka fuliya Soomaaliya.

Q.w.sugulle.mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s