Qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah Kenya oo jecleyn inay dib ugu noqdaan Dalka Soomaaliya!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inaysan jecleyn oo ayna ka hor yimaadeen inay dib ugu noqdaan dalka Soomaaliya.

Daawo Muuqaal soomaalida Qaxootiga ku ah Dalka Kenya.

Qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inaysan diyaar u ahayn xiligaan inay dib ugu noqdaan dalka Soomaaliya ayagoona qaxootigaas oo mudo dheer ku nool dalka Kenya islamarkaana ka sameeyey dalka Kenya nolol ay doorbidayaan inay ku noolaadaan dalka Kenya halkii dib loogu celin lahaa dalka Soomaaliya oo ay yihiin dad qaxooti ah oo ka soo qaxay dalkaas, Cabdinaasir Maxamed oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo mudo dheer ka hor ka soo qaxay dalka Soomaaliya ayaa hada waxaa uu yahay nin xaas iyo caruur ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya islamarkaana halkaas ka shaqeysta sidaas awgeedna uusan diyaar u ahayn inuu dib ugu noqdo dalka Soomaaliya oo uu sheegay inaan xaaladiisa la isku haleyn karin oo uuna yahay mid ka daran markii uu ka soo qaxaayey ee uu ka soo cararay

Ugu dambeyntiina iyadoo dowlada dalka Soomaaliya iyo dalka Kenya ay isku raaceen in boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo qaxay dalka Soomaaliya dib loogu celiyo dalka Soomaaliya ayaa waxaa jira in qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya aysan wali diyaar u ahayn inay ku laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya iyagoona ku sheegay inaysan xaalada nabadgalyo ee dalka Soomaaliya u saamaxayn inay dib ugu noqdaan dalka Soomaaliya, Dowlada dalka Kaenya oo ay ka go’an tahay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ayaan la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto qaxootigaas diidan inay dib ugu noqdaan dalka Soomaaliya.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s