Madaxweyne Xasan SH oo shuruud ku xiray sii daynta SH xasan Daahir iyo beelaha Habargidir iyo Mudulood oo ka shiray xariga SH Xasan Daahir Aweys(Warbixin)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa shuruud ku xiray sii daynta SH Xasan Daahir Aweys oo muddo dhowr Todobaad ah gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya,sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah odayaasha beesha  uu kasoo jeedo SH Xasan daahir Aweys ee Habargidir.
Waxgadaradka Beesha Habargidir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan SH uu mar labaad uga baxay ballan uu la galay oo ahayd inuu SH Xasan muddo Todobo maalmood gudahood ah xorriyadiisa dib loo siin doono kadib markii ay kulan yeesheen waxgadardak beesha SH Xasan iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud,Odayaasha ay isku haybta yihiin SH Xasan ayaa sheegay in mafdaxweynuhu uu shuruud uga dhigay sii daynta SH Xasan inuu SH Xasan Daahir Aweys warbaahinta ka hadlo.
Waxgadardka beesha  Habargidir  ayaa ku eedeeyey  madaxweyne Xasan SH Maxamuud  in uusan ahayn nin la aamino karo maadaama ay sheegeen inuu ballamo hore uga baxay,waxayna sheegeen iney si cad ugu gacan sayreen soo jeedinta madaxweynaha ee ah in SH Xasan uu warbaahinta ka hadlo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo la weydiiyey hadii uu Odayaasha ay SH Xasan isku haybta yihiin la galay ballan ku aaddan in SH Xasan lagu sii daynayo muddo Todobaad ah ayuu arintaasi beeniyey,wuxuuna daboolka ka qaaday in SH Xasan Daahir ay gacanta ku hayaan laamaha amniga dowladda isla markaane ay su’aalo weydiinayaan,wuxuuna ku gaabsaday in arinka SH Xasan ay go’aan ka gaari karaan maxkamadaha dalka sida uu hadalka u dhigay.
Beesha uu kasoo jeedo SH Xasan Daahir Aweys oo sheegtay in dowladdu ay si aan wanaagsaneen ula dhaqantay ayaa magaalada ka wadda kulamo gaar gaar ah oo ay ka yeelanayso arinka SH Xasan Daahir Aweys,Hoteelka Safaari ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay kulan ballaaran oo ay soo agaasintay beesha Habargidir kaasoo ay ku casuumeen waxgaradka iyo madax dhaqameedka Beesha Mudulood.
Kulabka oo saacado fara badan socday ayaa waxaa looga wada hadlay tabashada beesha Habargidir ee dhanka madaxweynaha oo hayb ahaan kasoo jeeda beesha Mudulood,Waxgaradka labada beelood ayaa si qota dheer uga wada hadlay arinka SH Xasan iyo tacadigii ay dowladdu u geystatay ergadii Habargidir ee SH Xasan Cadaado ka keenay.
Nabadoon Maxamed Islaaw Yuusuf oo ku hadlay afka beesha Mudulood ayaa kulanka ka sheegay iney hadii ay yihiin beesha Mudulood si weyn uga xun yihiin tacadiga ay dowladda Soomaaliya kula kacday ergada SH Xasan ka keentay Cadaado.
Nabadoon Islaaw ayaa ka dalbaday Waxgaradka Habargidir iney ka war sugaan odayaasha Mudulood muddo 3 cisho ,wuxuuna tilmaamay iney kulan la qaadan doonaan madaxweyne Xasan SH Maxamuud wuxuuna daboolka ka qaaday in hadii madaxweynuhu uu wax ka bedeli waayo go’aanka uu xiligan ku taagan yahay in beesha Mudulood ay walaalahooda Habargidir la safan doonaan sida uu yiri.
Iimaamka beesha Habargidir Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo isne goobta ka hadlay ayaa sheegay in beeshu ay ku dulqaadatay gabood fal lagu sameeyey  sida uu sheegay,wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu uu ballamo badan beesha uga baxay,wuxuuna tibaaxay in beeshu ay wali waan waan wax ku raadineyso wuxuuuse sheegay in hadii madaxweynuhu uu fulin waayo ballantii ay la galeen in beeshu ay qaadan doonto go’aan ay u mideysan tahay oo uusan sheegin waxa uu noqon doono.
Imaamka ayaa sheegay iney tahay arin aan la qaadan karin Shuruudda uu madaxweynuhu soo bandhigay,isagoona farta ku fiiqay iney jiraan dad badan oo Shabaab ahaan jiray kuwaas oo markii ay kasoo bexeen aan wax dhibaato ah loo geysan xiligane dalka ka hayo manaasib Siyaasadeed,wuxuuna is weydiiyey waxa SH Xasan kaliya loo bartilmaameedsanayo.
Arinka SH Xasan Daahir Aweys oo soo jiitamayey in muddo ah ayaan wali dhinac u dhicin,SH Xasan Daahir Aweys oo kasoo baxsaday magaalada Baraawe ee Sh/hoose ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo sida la sheegay uu donayey inuu diyaarad ka raaco isagoona la sheegay inuu kusii jeeday dalka Qadar,balse dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ka dirtay gudi iskugu jiray,Xildhibaano,Odayaal,Saraakiil ay isku hayb yihiin SH Xasan kuwaas oo dowladdu ay fartay iney SH Xasan kasoo dhaadhiciyaan inuu Muqdisho yimaado isla markaane si wanaagsan loola dhaqmi doono.
Balse SH Xasan Daahir ayaa in badan ka biyo diiday talada ay usoo jeediyeen ergadii Muqdisho laga diray,wuxuuna u sheegay in hadii uu Muqdisho uu tago in dhibaato loo geysan doono,balse ergadii Muqdisho laga diray ayaa muddo 3 maalmood kadib waxa ay SH Xasan keeneen magaalada Muqdisho oo diyaaradii siday ay soo caga dhigatay abaare 6dii Maqribnimo,waxaana garoonka ka dhacay arin aysan marna fileen ergadii SH Xasan Cadaado ka keenay kadib markii ciidanka nabad sugiddu ay jir dil kula dhaqaaqeen isla markaane ay SH Xasan si xoog ah ku kaxaysteen,lama oga waxa uu ku dhammaan doono arinka SH Xasan daahir dad badan ayaa aaminsan in hadii ay dowladdu si wanaagsan ula dhaqmi lahayd SH Xasan iney taasi wado u furi lahayd in ragga badan oo sidiisa aan ku qanacsaneen kasii mid ahaanshaha alshabaab iney dowladda usoo goosan lahaayeen taasine ay soo dhawayn lahayd xalka soomaaliya.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s