Gudoomiyaha baarlamaaka Soomaaliya oo dhalinyarada ugu baaqay iney Midoobaan

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulan la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa dhalinta Soomaaliyeed ugu baaqay iney Shir weyne Iskugu yimaadaan kaasoo ay kaga tashanayaan aayaha dalkooda.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hadii ay dhalinyarada Soomaaliyeed inta ay shiraan ay go’aano soo saaraan ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaankuba ku qasban yihiin meel marinta go’aanada iyo soo jeedinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay kasoo saaraan wadatashiyadooda.
“Afkaartii iyo taladii aad talada dalkiina kuwa wareegi lahaydeen ma haysataan,waxaad iska soo saartaan 275 xildhibaan  oo dhalinyaro ah oo noqda baarlamaanka da’yarta Soomaaliyeed,baarlamaanku wuxuu idin siin doonaan tababaro iyo tusaalayn si aad berri u bedeshaan baarlamaanka hadda jira”ayuuyiri gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu yeeray in dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dacaladiisa iney iskugu yimaadaan kulan ballaaran,wuxuuna tilmaamay in hadii aan la midayn cududa dhalinyarada Soomaaliyeed ineysan muuqaneen awoodooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan.
Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarta bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey iney gartaan awoodooda iyo kaalinta ay kaga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s