Wararkii ugu dambeeyay Muwaadin Somali Ah Oo Lagu Dilay K/Afrika Iyo Dukaama Badan Oo Soomaali laheed oo La Boobay

Burcad K/Afrikan Ah Ayaa Xalay Fiidkii Hore Tulaada Kusma Ee Duleedka Magalada Johannesburg Ku Dilay Muwaadin Soomaali Ah Xili Uu Ku Sugna Dukaan Uu Laha Iyado Kooxda Burcada Ee Dilka Geeystay Ay Goobta Isaga Baxsatay Markii Ay Fuliyeen Dilka Waxana Daqiiqada Kadib Goobta Soo Gaaray Ciidama Ka Tirsan Police-ka K/Afrika Kuwa Oo Sameeyay Howlgalo Balse Ma Jirin Cid Ay Howlgalkooda Kuso Qab Qabteen.

Dilalka Lagu Haya Soomaalida Oo U Muuqda Kuwa Aan Dhamaad Laheyn Ayaa Laf Dhuungashay Ku Noqday Soomaalida Kuwa Oo Cabsi Darteen U Hakiyay Dhaqdhaqaaqii Xoogan Ee Ganacsiyada Soomaalida Ay Dalka K/Afrika Ku Lahayeen Gaar Ahaan Degaanada Isku Rararanka Ah Mana Jirta Tilaaba Muuqada Oo Dowlada K/Afrika Ay Ku Xakameeyneso Dhibooyinka Sii Soconaya Ee Lagu Haya Dadka Soomaalida Ah.

Dhanka Kale Duleedka Magalada Pretoria Ee Caasimada Dalka K/Afrika Waxaa Xalaya Ka Dhacay Rabshada Xoogan Ay Dadkii Dhigayay Ay Ku Boobeen Dukaama Lagu Qiyasay Ilaa In Kabadan 15 Dukaan Oo Soomaali Ay Lahayeen Marka Laga Reebo Dhowr Dukaan Oo Ganacsato Ajaanib Ah Lahayeen.

Rabshadaha Lagu Boobay Ganacsisayada Soomaalida Ayaan La Ogeyn Ujeedada Ka Danbeeysa Balse Malimihii Ugu Danbeeyay Waxa Jirtay Xisad Kacsanaan Iyo Hanjaabada Ajaanibta Lo Jeedinayay Waxana Dadka Ajaanibta Ee Ganacsiyada Ku Leh K/Afrika Loogu Hanjabayay In La Boobi Doono Wixii Ka Danbeeya 18 Bishan Oo Maanta Ah Dadka Reer K/Afrikane Ugu Asteysan Maalinta Mandela Day Ama Malinta Dhalashada Nelson Mandela Madaxweynahii Hore Ee K/Afrika Oo Wali Ku Sugan Xaalada Qatar Ah Xili Uu Ku Jira Isbital Ku Yaala Magalada Pretoria Muda Ku Siman Bil Iyo Bar .

X.allbanaadir.com
Q.w.Sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s